|
Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo oo sheegay inay balanqaadayaan ammaanka hay'adaha samafalka
Mogadishu Talaado 23 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo oo sheegay inay balanqaadayaan ammaanka hay'adaha samafalka.
Waxaa shalay Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubadda Hoose gaaray wafdi ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobay, iyadoo maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo uu shaaca ka qaaday in Kismaayo ay ammaan tahay, islamarkaana ay Hay'adaha samafalka ka howlgali karaan gobolka Jubada Hoose.
Taliyaha ciidamada Dowladda ee Jubbooyinka Generaal Ismaaciil Saxardiid kana mid ah maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ammaanka Magaalada Kismaayo uu yahay mid la isku haleen karo oo nabad ah.
Wuxuu sheegay taliyuhu in hada Kismaayo aysan ka taagneyn xaalad nabadgalyo xumo ah, Hay’adaha gargaarkana looga baahan yahay inay tagaan Magaaldaasi si ay u gargaaraan shacabka Gobalkaasi,isagoo sheegay in ammaanka Hay’adaha ay balan qaadayaan.
Taliyaha ciidamada Dowladda Soomaaliya Gobalada Jubbooyinka Ismaaciil Saxardiid wuxuu sidoo kale faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen Magaalada Kismaayo.
"Howlgalkii ugu dambeeyay ee aan ka samaynay Magaalada Kismaayo waxaan ku soo qabanay ku dhawaad dhalinyaro gaaraysa 70-kuwaasi oo lala xiriirinayo Ururka Al-Shabaab ee Magaalada Kismaayo laga saaray" ayuu yiri Gen. Ismaaciil Saxardiid Taliyaha ciidamada Dowladda ee Jubbooyinka .
Dhinaca kale markii ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la arkay iyadoo magaaladaasi booqanayaan Wafdi ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobay.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|