|
Xarunta taliska CID Muqdisho oo soo bandhigtay eedeysanayaal lagu soo eedeeyay Dembiyo kala duwan
Mogadishu Talaado 23 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xarunta taliska CID Muqdisho oo soo bandhigtay eedeysanayaal lagu soo eedeeyay Dembiyo kala duwan.
Waxaa maanta xarunta taliska CID lagu soo bandhigay afar qofoof oo lagu eedeyay inay galeen dambiyo kala duwan, waxaana eedeysanayaashaas qaarkood loo heystaa dil ay u geyteen dad shacab ah.
Ge. Cabdulaahi Xasan Bariise oo ah taliyaha hogaanka dambi Baarista isla markaana ah Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta CID ayaa waxaa uu saxaafada u soo bandhigay eedeysanayaasha loo heysto dambiyada kala duwan ee ay galeen.
Dadka la soo bandhigay ayaa waxaa ku jirtay haweeney uu Taliyuhu sheegay inay ka tirsantahay Al-shabaab isla markaana uu qabay nin uu sheegay hada ka hor inuu isku qarxiyay afaafka hore ee madaxtooyada taasoo magaceeda uu ku sheegay Yurub Cusmaan Cabdi.
Bariise ayaa sidoo kale sheegay in mid kamid ah dadka a la soo bandhigay uu qof shacab ah ku dilay Suuqa Bakaaraha baaritaano lagu sameeyay kadibna lagu ogaaday arintaasi, isagoo sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha uu ku jiro askari ka trisan ciidamada dowlada oo Baydhabo kundilay dad shacab ah.
Ugu danbeytiina janaraalka ayaa sheegay in todobaadkii la soo dhaafay dad kor u dhaafaya 15-qofood loo gudbiyay xabsiga dhexe ee magaalada muqdihso kuwaasoo uu tilmaamay inay galeen dambiyo kala duwan.
Ma aha markii ugu horeysay oo CID lagu soo bandhigo dad eedeysanayaal ah oo qaarkood gacan ku dhiiglayaal ay yihiin halka kuwo kalena lagu eedeynaayo inay ka tirsanyihiin Al-shabaab.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|