|
Dagaalo xalay Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku dhexmaray Deegaanka Shalaambood ee Gobolka Sh/Hoose
Mogadishu Arbaco 24 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dagaalo xalay Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku dhexmaray Deegaanka Shalaambood ee Gobolka Sh/Hoose.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxaysaa dagaal xalay ku dhex maray deegaanka Shalanbood ee gobolka shabeellada hoose kaas oo dagaalo xoogan ku dhex marayay ciidamada dowlada iyo Alshabab ka dib markii ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen Alshabab fariisimo ay ciidamada dowladu ku leeyihiin halkaasi.
Dagaalkaan oo ahaa mid xoogan ayaa waxa la sheegay in uu socday mudo saacado ah kaasi oo qasaare xoogle uu soo kala gaaray dhinacyadii ku dagaalamay ,wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ay jiro dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ee ku dagaalamay deegaanka Shalaambood.
Dagaalkaan ayaa waxa uu qayb ka yahay dagaalada ku dhufoo ka dhaqaaqa ah oo ay Alshabab ku badaleen dagaaladii foolka foolka ahaa ee ay qaadi jireen xilayadii ay maamulayeen gobolada qaar.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|