|
Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ma lagu qaldamay mise waa lagu saxsanaa?!!
Mogadishu Arbaco 24 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ma lagu qaldamay mise waa lagu saxsanaa?!!
Waxay ahayd 10-kii Septembar 2012, markii si baahsan loo bartay magaca Xasan Sheekh Maxamuud kaddib kolkii uu si lama filaan ah uu ugu soo baxay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.
99% dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba waxay ku noqotay layaab in Xasan Sheekh uu ka adkaaday raggii loo sahminayay inay suurtagal tahay inay ku soo baxayaan xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen: Sheekh Shariif, C/Weli Gaas, Farmaajo, X/llaahi Axmed Caddow, C/raxmaan Baadiyow iyo ruug cadayaashii kale ee u tartamayay xilkaasi, waxaana shacbiga Soomaaliyeed ay bilaabeen xilligaasi iyo wixii ka dambeeyay barashada Madaxweynaha cusub mar uu haddii uu isagu ku guuleystay mansabkaasi, maadaama aan horay in badan looga aqoon taariikhdiisa, waxqabadkiisa iyo halka ay siyaasadiisa ku jiheysan tahay.
Taageero, soo dhoweyn iyo hambalyooyin aad moodeysay dadku inuu wakhtiga ku khasbay ayaa meelo badan looga soo jeediyay hoggaamiyaha la doortay, waxaana xafladahaasi taageerada ah barbar socday su'aalo ay ummaddu isweydiinayeen, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Xasan Sheekh waa nin ceynkee ah?!! Madaxweynihii ka horeeyay muxuu kaga duwan yahay?!! Madaxweynaha doorashadiisa ma loo aayi doonaa mise waa laga shalaayi doonaa?!! iyo ereyo kale oo kuwaasi la mid ah.
Waa xaqiiqo shacbiga Soomaaliyeed ma dooran Xasan Sheekh balse wuxuu ku yimid codadka xildhibaano qurba joog u badan, kuwaasi oo ay madax martay kelmadda la yiraahdo "Isbadal baan dooneynaa (Change)", kuwaasi oo haatan la sheegayo inay shallaay ka joogaan codadkii ay bixiyeen, bacdamaa ay muuqato Madaxweynuhu inuu u eg yahay nin geediga ku furanaya halkii laga maleynayay meel aad uga hooseysa.
Fadhiyadii kala duwanaa ee Xildhibaanada Baarlamaanka ku yeelanayeen maalmihii la soo dhaafay xaruntooda Golaha shacbiga ee magaalada Muqdisho ayaa qaar badan oo ka mid ah xildhibaanadaasi waxa ay si koox koox ah uga sheekeysanayeen sida ay u saluugsan yihiin waxqabadka Madaxweynihii ay doorteen, waxaana qaarkood laga soo xigtay inay ku qeylinayeen sida ay uga xun yihiin wax ay ku sheegeen karti la'aanta ka muuqata Madaxweynaha cusub, iyadoo arrinta xildhibaanadaasi uu hadalkoodu u muuqanayo mid ku soo biyo shubanaya in Madaxweynuhu uu noqdo LA MOOD NOQONSE WAA.
Magacyo liidnimo ay ka muuqato sida "Xasan NGO, Xasan Qoslaaye, Gacan-taagte iyo Garguurte oo horay loogu yaqiinay" ayaa hoggaamiyaha la doortay xilligaan loogu yeeraa, waxaana lagu xantaa Madaxweynuhu inuu laheysto u noqday Xildhibaan Faarax C/qaadir oo lagu naaneeso "Sakiinka cusub", iyadoo nasiib darro ay tahay in Madaxweynuhu la sheego inaanu wax go'aan ah keligiis qaadan karin haddii uusan la joogin Faarax Sakiin.
Ku dhowaad labadii bil ee Madaxweynuhu xafiiska soo fadhiyay waxaa khalkhal xoogan galay arrimaha nabadgelyada, waxaana dhashay dhacdooyin muwaadin walba welwel iyo cabsi ku beeray, waxaana arrimahaasi loo sababeynayaa sida uu Madaxweynuhu uga gaabiyay la shaqeynta, dhiiri gelinta iyo garab istaagii looga baahnaa inuu siiyo guddiga amniga Qaranka iyo hay'adaha nabadgelyada, waxaana ayaan darro ah in Madaxweynuhu ay isaga darsamaan muhiimadda uu leeyahay guddiga amniga iyo qaabilaadaha caadiga ah ee maalin walba Madaxweynuhu uu u sameeyo saaxibadiisa ka tirsan Urur diimeedka loo yaqaano DAMUL JADIID, xubnaha xisbigiisa PDP, ururrada bulshada, qurba joog xil-doon ah, haween ku waashay xaq raadin iyo wufuuda beesha caalamka ka timaada.
Marka runta laga sheego sida ay u socdaan howsha hoggaamiyaha cusub waxaa qof walba u soo baxaya habacsanaan xoog leh oo ka timid Madaxweynaha la doortay, waxaana ugu daran dhaqdhaqaaq la'aan fadhiid ka dhigtay oo ku saleysan cabsi la sheego inuu odaygu ka qabo booqashada iyo tegista furimaha dagaalka ee ciidamada qalabka sida si uu u dhiirigeliyo iyo ka warqabid la'aanta Madaxweynaha ka heysata baahiyaha ay qabaan shacbiga Soomaaliyeed ee ah xagga nabadgelyada, waxayna u eg tahay in Madaxweynuhu uu ka seexday wax ka qabashada waajibkii ugu weynaa ee loo igmaday ee ah inuu had iyo goor isha ku hayo dhibaatooyinka ay qabaan shacbigiisa iyo ka jawaabista hadba marxalad kasta oo wadanku marayo.
Waa suuragal in dadka qaarkii ay is yiraahdaan waa lagu degdegay in dhaliilaha iyo ceebaha intaasi la'eg laga sheego Madaxweynaha cusub, hase yeeshee waxaa lagama maarmaan ah inaan xusuusnaano qofkii aan maalin ku baran weyno inaan sanado lagu baran karin, sidaasi daraadeed Madaxweyne Xasan Sheekh haddii haatan la eego sida uu wax ku wado waxaa xaqiiqo noqoneysa in DOORASHADIISII LAGU QALDAMAY, balse haddii uu wax ka bedelo hannaanka uu wakhtigaan ku socdo isla markaana uu dardar geliyo howlaha uu Qaranku ka sugayo, Allena uu talo saarto waxaan filayaa inay DOORASHADIISU NOQON KARTO MIDII LAGU SAXSANAA.

Waxaa Qoray:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
E-mail: jabriil37@hotmail.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|