Somali News
    Hees  

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku yeelanaya Muqdisho kulan ay uga doodayaan Miisaaniyada Dalka

Mogadishu Arbaco 24 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ku yeelanaya Muqdisho kulan ay uga doodayaan Miisaaniyada Dalka.

Xildhibaanada Baarlamaank federaaka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ka doodi doona miisaaniyada dowlada ay ku shaqeyn doonto Saddexda bilood ee soo socota, kadib markii dhawaan mudanayaasha loo qeybiyay miisaaniyad ay soo diyaarisay wasaarada Maaliyada ee waqtigeeda dhamaaday.

Dooda maanta oo ah mid xasaasi ah ayaa xildhibaanada Baarlamaanka waxa ay warbixin kooban ka dhageysan doonaa gudi shan xubnood ah oo kulankii kan horeeyay gudoomiyaha Baarlamaanka uu u saaray inay soo eegaan miisaaniyada saddexda bilood ee soo socota ay ku shaqeyneyso dowlada.

Mudanayaasha Baarlamaanka federaalka ayaa cod gelin doona miisaaniyada saddexda bilood markey warbixinta ka dhageystaan gudiga gudoomiuhu uu u xilsaaray arintaasi.

Qarashaadka ku baxaya saddexda bilood ee soo socota xafiiska Madaxweynaha, Kan R/wasaaraha, kan gudoomiyaha Baarlamaanka iyo xafiisyada wasiirada ayaan la ogeyn inta uu noqonayo qiimaheeda, waxaana arintaasi maanta ka doodaya Xildhibaanada Baarlamaanka.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)