Somali News
    Hees  

Dowladda Kenya oo si buuxda u sheegtay inay safaaradeeda dib uga furanayso dalka Soomaaliya

Mogadishu Khamiis 25 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dowladda Kenya oo si buuxda u sheegtay inay safaaradeeda dib uga furanayso dalka Soomaaliya.

Xogayaha joogtada ah ee wasaaradda arimaha dibadda dowladda Kenya Thuita Mwangi ayaa sheegay inay qorsheenayaan in magaalada Muqdisho ay ka furan safaaradda Kenya ee Somalia taas oo hadda xarun KMG ah ku leh magaalada Nairobi .

Xogayaha ayaa sheegey in xaaladda dalka somalia xilligan ay ka duwan tahay xilliyadii hore oo uu tilmaamay in amaanka qeybo badan oo Somalia kamid ah aan la isku haleyn karin , taasina waxa uu ku amaanay ciidamada midowga Africa ka socda oo kenya ay kamid tahay ee AMISOM iyo ciidamada dowladda somalia .

“Somalia ayaa qeyb ka noqon doonto wadamo ku yaala qaaradda Africa oo xilliyada soo socda ay si toos ah uga howlgeli doonaan safaaradaheena “ayuu yiri Xogayaha joogtada ah ee wasaaradda arimaha dibadda dowladda Kenya Thuita Mwangi.

Ciidamada Kenya ayuu sheegay in kaalin lixaad leh ay ka qaateen la dagaalanka waxa uu ugu yeeray dadka diidan nabadda Somalia siiba isagoona sheegay in Somalia hadda ay leedahay dowlad dhexe , beesha caalamkana looga baahanyahay in dowladda Somalia ay istaajiyaan oo ay socodsiiyaan si ay u gudato waajibaadka horyaala waa sida uu hadalka u dhigay.

Kenya oo Somalia xad la wadaagta ayaa saameyn ku leh hanaan socodka siyaasadda Somalia , waxana lagu eedeeyay in xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha ay Somalia ka geysatay laga soo bilaabo bartamihii October xilligaa oo askarta Kenya ay cagaha soo geliyeen ciidda Somalia .

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)