Somali News
    Hees  

Baarlamaanka Somalia oo Maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowalada billaha Sanadkan ka harsan

Mogadishu Khamiis 25 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si cod aqlabiyad leh ku ansixiyay miisaaniyadda ay dowladda Soomaaliya ku shaqeynayso billaha sannadkan ka harsan .

Xildhibaanada ayaa kulankoodii maanta waxaa markii hore warbixin looga dhageystay guddi shan xubnood ka kooban oo horay loogu saaray inay dib u eegis ku sameeyaan miinaasiyadda oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda.

Dhageysiga waribxinta guddiga kaddib ayaa waxaa billowday doodo adag oo ay ka yeesheen miisaaniyaddan xildhibaanada taasoo qaadatay muddo dheer, iyadoo ugu dambeyn uu guddoomiyaha baarlamaanka geliyay codeyn gacan-taag ahayd.

Tirada Mudanayaashii soo xaadiray fadhiga baarlamaanka ee maanta waxay ahaayeen 174-xildhibaan, waxaa ogolaatay miisaaniyadda 169-xidhibaan, saddex ayaa ka aamusay halkna waa diiday, sidaa daraadeed miinaasiyaddu waa ansaxa," ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka shir guddoominayay.

Miisaaniyaddan ayaa waxaa toddobaadkii hore dib u celiyay baarlamaanka iyadoo codsaday in talooyin laga soo bixiyo, waxaana maanta ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay baarlamaanka Soomaaliya ansixiyaan miisaaniyad ay ku shaqeynso dowladda cusub ee Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275 kursi ayaa waxaa lasoo xulay bishii Ogoosto ee sannadkan, iyadoo la dhaariyay isla bishaan, waxayna doorteen 10-kii bishii September madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna maalmo ka hor ansixiyeen ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo aan weli ku dhawaaqin xukuumaddiisa.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)