Somali News
    Hees  

Madffac ku dul habsaday Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah , kadib markii uu soo dhexgalay dagaal ka socday Deegaanka Leego.

Mogadishu Khamiis 25 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madffac ku dul habsaday Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah , kadib markii uu soo dhexgalay dagaal ka socday Deegaanka Leego.

Waxaa Gelinkii dambe ee shalay ka dhacday inta u dhaxeysa deegaanada Leego iyo Yaaq-bariweyne in Gaari Bl- ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah uu ku dul habsaday madfac aan la aqoon halka uu ka yimid.

Wararka ayaa sheegaya inay geriyoodeen inta badan rakaabkii saaranaa gaariga Soomaalida u taqaano Homey ama caasiga kaasoo ka soo amababaxay deegaanka Leego o ka tirsan gobolka Shabeelada hoose.

Madfaca cida soo gantay lama oga, hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in gaariaga uu ku soo dhawaaday goob ay ku dagaalamayeen ciidamada Dowlada oo garab ka helaya AMISOM iyo kuwa Ururka Al-shabaab.

Tirada saarneyd gaariga lama sheegin inat ay aheyd hase yeeshee waxaa la soo warinayaa inay geeriyoodeen dadkii saarnaa badankood inta soo hartay ay dhaawacyihiin, lamana sheegin cid u gurmatay kuwa dhaawaca ah.

Dhinaca kale waxaa adag in warbxin rasmi ah laga helo inta uu la’egyahay qasaaraha soo gaaray rayidka saarnaa gaariga maxaa yeelay waxaa halka amuurta ay ka dhacaday isku horfadhiya oo u dagaalamaya xoogaga Al-shabaab iyo kuwa dowlada.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)