|
Muriidi Abanuur Abati oo 22 sano ka dib Ku Guuleystay Weeraryahankii Ugu Wanaagsanaa Soomaaliya Barisamadkii
Mogadishu Khamiis 25 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Muriidi Abanuur Abati oo 22 sano ka dib Ku Guuleystay Weeraryahankii Ugu Wanaagsanaa Soomaaliya Barisamadkii
Waxaan Maanta idiin soo gudbineynaa Natiijada Wareega Finalka Codeyntii loo qaadayay Weeraryahankii Ugu Wanaagsanaa Soomaaliya Xiligii Barisamaadka Codeyntaan oo aheyd mid dhowr wareeg ka koobneyd ayaa Finalka waxaa isagu soo Haray Musharixiinta kala ah.
Maxamed Ismaaciil Siteey
Muqtaar Maxamed Axmed' Muqtaar Cuti'
Maxamed xaaji UUreey
Muriidi Abanuur Abati.
Musharxiintaan oo Barisamadkii u kala ciyaari Jiray Naadiyadii Heerka 1ee Kubada Cagta Soomaaliya Horseed,Batroolka, LLPP iyo Madbacada ( MBC ) aya Codeyntoodas wareega kama dambeysta waxa ay soo Bilaabatay Sabtigii Todobaadkaan iyadoo ku ekeyd Khamiista Manata ah oo natiijada aanu idiin heyno .

Maxamed Ismaaciil Siteey waxaa U codeeyay.
Saciid Cabdulqaadir Jaamac.....................................Uk
Jamiilo Maxamed Cali..............................................UK
cabdiqafaar Xuseen Maxamed Muqdisho
Cabdinaasir Cali Yuusuf Boosaaso
Khadar Daahir Mire Hargeysa
Saleebaan Aadan Barqadle Kenya
11kii Horseed Maxamed Ismaaciil Siteey waxa uu helay 6 cod waxaa ka halaabay 2 cod
Muqtaar Maxamed Axmed' Muqtaar Cuti' waxaa u codeeyay.
Ismaaciil aadan Macalin K.Afrika
Cabdulaahi Xuseen xaaji KSA
Barqad Maxamed Maxamuud Baydhabo
Maxamed Jaamac Hilowle Boosaaso
Nuuradiin Yuusuf Maxamuud Hoolan
Maxamed Xuseen Diirshe Uk
Nuur Aadan Faarax Muqdisho
Cabdikariin Xaaji Muxumed Mombasa- Kenya
10kii Batroolka Muqtaar Cuti waxa uu helay 8 cod ma jirin Cod ka halaabay
Maxamed Xaaji UUreey Waxaa u codeeyay
Cabdirashiid Sheekh Biixi Sweden
Anwar Cabdi Maxamed K.Afrika
Cabdulaahi Maxamed Cabdi Holland
Deeq Maxamed Axmed K.Afrika
Saalax Yuusuf Ismaaciil Muqdisho
Caasho Xuseen Cabdulaahi Kanada
Cabdiwali Axmed Maxamed Muqdisho
Kamaal Yuusuf Sheekh Afgooye
Cali Cabdi Xasan Kenya
Muqtaar Siciid Maxamed Kenya
10kii LLPP Maxamed Xaaji UUreey waxa uu helay 10 cod Waxaa ka halaabay 1 cod
Muriidi Abanuur Abati waxaa u codeeyay.
Busuri Maxamed Xaaji KSA
Yuusuf Cabdi Maxamed Muqdisho
Hilowle Axmed Macalin Kenya
Daahir Xuseen Axmed Yaman
Faarax Sheekh Yuusuf Ugandha
Sahro Ciise Cali Sweden
Shariif Maxamed Xuseen Uk
Maxamed Maxamuud Axmed Uk
Ismaaciil Cali Yuusuf Boosaaso
Axmed Cabdulaahi Khaliif Jabuuti
Sakariye Aadan Ismaaciil Kenya
Qaalid Cabdulaahi Xasan Norwey
Saciid Cali Maxamuud Muqdisho
10kii Madbacada ( MBC) Muriidi Abanuur Abati waxa uu helay 13 Cod waxaa ka halaabay 1 cod
Muriidi Abanuur Abati oo U ciyaari jiray Naadigii Madbacada,Bangiyada iyo Ceymiska ( MBC) ayaa ku guuleystay 22 sano ka dib Codeyntii loo qaaday Weeraryahankii Ugu Wanaagsanaa kubada Cagta Soomaaliya waxaana leenahay hambalyo Muriidi Abanuur Abati ka dib markii uu helay 13 cod,Codeyntaan oo aheyd mid Qarsoodi ah loona Codeynayay weerayahankii ugu Wanaagsanaa Soomaaliya,
Kaalinta 2 waxaa Galay Maxamed Xaaji Uureey oo u ciyaari jiray Naadigii LLPP, oo helay 10 cod, Kaalinta 3 waxaa Galay Muqtaar Maxamed Axmed' Muqtaar Cuti oo u ciyaari jiray Batroolka,oo helay 8 cod Halka Kaalinta 4 uu Galay Maxamed Ismaaciil Siteey oo u ciyaari Jiray Horseed oo helay 6 cod.
Wareega sami finalka waxaa ku Haray Musharxiinta kala ahaa
Saciid Ducaale oo u ciyaari jiray Horseed
, Cabdulaahi Maxamuud Sarxaan'Eenoow'oo u ciyaari jiray MBC
.Cabdi Cismaan Nuur' Budiiste' oo u ciyaari jiray Batroolka
.Khaliif Shire Muuse' Riiko' oo u ciyaari jiray Badda
, Xasan Cafiif oo u ciyaari jiray Horseed
, Axmed Nuur shiino oo u ciyaari iray Wagad,
Axmed Cabaas Busuri oo u ciyaari Jiray Muqdisho' ex D.Hoose'
Nuur Gaab oo u ciyaari jiray Muqdisho 'ex D.Hoose'
12kaasi Ciyaartooy ayaa ka soo baxay Waregii Ugu Horeeyay ee ay ka wada qeybgaleen Weeraryahanadii ugu Wanaagsanaa Kubada Cagta Soomaaliya,waxaana Xusid mudan in Codeyntaan aysan ku jirin Weeraryahanadii caanka ahaa ee Geeryooday sida markaan Tusaale u soo qaato Maxamed Xuseen Cali'Sheekhaaloow' Cabdulaahi Cabdi Xasan 'Dheemanka Madoow 'waxaana aqristaaysha la socodsiineynaa in Codeynta loo qabtay oo kaliya inta Nool Weeraryahanadii ugu wanaagsanaa Kubada Cagta Soomaaliya.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|