Somali News
    Hees  

Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo dadweyne fara badan oo saakay ku wada dukaday salaadda Ciidul Adxa Masjidka Isbaheysiga

Mogadishu Jimco 26 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo dadweyne fara badan oo saakay ku wada dukaday salaadda Ciidul Adxa Masjidka Isbaheysiga

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadweynaha Soomaaliyeed Salaadda Ciidda kula tukaday Masjidka Isbaheysiga ee Muqdisho.

Iyadoo saaka Muqdisho looga ciiday si aad u weyn ayaa haddana madaxda ugu sarreeysa dalka waxa ay kumannaan dadweyne ah salaadda ciidda kula dukadeen Masjidka Isbaheysiga Islaamka, waxaana madaxdaasi ka mid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Muudane Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha Baarlamanka, iyo R/wasaaraha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaaddii Jimcaha kadib Masjidka Isbaheysiga kula hadlay Kummanaan Muslimiin ah ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxa, isagoo kula dardaarmay ummadda in ay Alle dambi dhaaf weydiistaan, isla markaana ay u kaalmeeyaan dadka danyarta ah si ay farxadda ula wadaagaan ummadda inteeda kale.

Masjidka Isbaheysiga oo ka mid ah Masaajidda ugu waaweyn Muqdisho ayaa waxaa buuxdhaafiyay dadweeyne aad u farabadan, kuwaas oo qaar ka mid ah ay ku tukanayeen Bannaanka Masjidka, iyadoo ammaanka ay sugayeen ciidamada nabadgelyada dowladda.

Waana markii ugu horreeysay ee madaxda dowladd aan KMG aheyn ay si nabadgelyo ah ula tukadaan shacabka Soomaaliyeed muddo ka badan Labaatan sano.















Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)