Somali News
    Hees  

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Munaasabadda Ciida shacabka Hambalyo u diray

Mogadishu Jimco 26 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Munaasabadda Ciida shacabka Hambalyo u diray.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa shacbiga Soomaaliyeed iyo guud ahaanba umadda Muslimiinta ah ee caalamka ugu hambalyeeyey Munaasabadda Ciidul Adxa oo guud ahaan caalamka looga dabaal degayo maanta oo Jimco ah.

Madaxweynaha Dalka ayaa shacbiga Soomaaliyeed hawada u mariyey fariin uu ugu talagalay Munaasabadda Ciida waxa uuna yiri " Dhamaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka kaga nool yihiin waxaan leeyahay CIID WANAAGSAN CIID MUBAARAK, waxaana Alle ka rjeynayaa inuu Umadda Soomaaliyeed uu sanadkaan sanadkiisa ku gaarsiiyo nabad iyo Barwaaqo".

Madaxweynaha ayaa ayaa umadda Soomaaliyeed ka codsaday iney fadliga Ciidul Adxa ay isku cafiyaan oo ay u soo jeestaan aayaha Dalkooda si hormar loo gaarana ay tahay lagama maarmaan in Umaddu is cafiso maanta oo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay hada heystaan fursad qaali ah, taasina loo baahan yahay in laga wada faa’ideysto, wadada looga faa’ideysan karana ay tahay isku duubni iyo is maqal in lala yimaado.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa fariin u diray waalidiinta Soomaaliyeed oo uu ka codsaday iney carruurtooda la qalday u caqli celiyaan oo ay ku soo daraan safka Midnimada si ay uga qeyb noqdaan hormarka Dalkooda.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)