|
Xafiiskii Qunsulka iyo Waaxda Jinsiyadaha ee Safaraadda Soomaalida Masar oo la jabsaday Yaa Jabsaday ?!!!
Mogadishu Jimco 26 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xafiiskii Qunsulka iyo Waaxda Jinsiyadaha ee Safaraadda Soomaalida Masar oo la jabsaday Yaa Jabsaday ?!!!
Waxaa maanta Safaaradda Soomaaliyeed ee Wadanka Masar ka dhacay arin aad u fool xun, taasoo giligishay damiirka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wadanka Masar, kadib markii ay dhacday in Safaaradda Albaabda loo laabo, furaha Xafiisyada qaarna la badalo.
Taariikhdu markii ay ahayd 25-10-25 ayaa waxa ay ahayd maalin fasax ah oo feesto ka ah wadanka Masar, maadaama ay tahay maalin carafo oo ah maalin barakeysan oo ay umadda Islaamka ay uur sami iyo farxad ku soo dhoweeeyaan ciidda barakeysan ee Ciid-Al-Adxa.
Arinta ka dhacday Safaaradda Somaaliyeed ee Wadanka Masar ayaa waxay gabi ahaanba ka duwan tahay oo dhinac maraysaa suubanaanta iyo xushmadda maalinta barakeysan ee Carafa. Sida aan warar ku helnay waxaa dhacday in Safaaradda oo ka kooban saddex dabaq ah ayaa waxaad ku arkaysaa qeybta hoose ee Safaaradda xafiiska qunsulka Mudane Ismaaciil Cabdi, xafiiska xogheynta, xafiiska baasaboorada, xafiiska u qeybsamaha waxbarashada Marwo Xaliimo Kulmmiye iyo Xafiiska U qeybsamaha Arimaha Ganaacsiga Marwo Fowzia. Qeybta labaad ee Safaaradda ayaa waxaa iyadana ku yaalla xafiiska Safriika Mudane Cabdullaahi Xasan, Xafiiska Xoghayaha koowaad ee Safiirka Marwo Xaliimo Axmed, Xafiiska ku xigeenka Ganaacsiga Mudane Bashiir Maxbuub. Qeybta sadexaadna waxaa degan oo uu hoy u yahay Safiirka Mudane Cabdullaahi Xasan.
Maanta waxa ahayd maalin fasax ah, balse waxaa dhacday in iyadoo fasaxa Safaaradda iyo maqnaashada mas'uuliyiinta fadhiista xafiisyada ku yaalla qeybta hoose ee Safaaradda in la jabsado Xafiiskii Qunsulka Ismaaciil Cabdi, Xafiiskii Xogheynta iyo waliba xafiiska waaxda socdaalka oo walibana furahi la baddalo.
Arintaas ayaa sida aan wararka ku helnay waxaa ka dambeeyay Safriir Cabdullaahi Xasan oo adeegsanaya laba nin oo uu dhowaan ka shaqeysiiyay Safaaradda Soomaaliyeed ee Masar, labadaasi nin oo ay magacyadoodu iyo xilalkoodu kala yihiin sidan:-
• Bashiir Maxbuub, Xoghayaha koowaad ee U qeybsamaha Ganaacsiga
• Ilyaas Sheekh, Xoghaya labaad ee Safiirka Mudane Cabdullaahi Xasan.
Mar aan wareysanay Qusnulka Xasiikiisa la jabsaday ayaa waxa uu noo sheegay in arintani ay tahay sharci darro qayaxan, uuna war geliyay wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya, tallaabada ugu haboonna ay iyadu ka qaadin doonto. Sidoo kale waxa uu intaas raaciyay in uusan la xiriirin hay'adaha sharciga ee Masar, maadama ay arintani tahay arin quseysa Dowladda Soomaaliyeed.
Dhanka kale jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qaahira ayaa waxa ay arintani ka muujisay walaac iyo niyad jab, iyadoo ay horay u jirtay kalsooni darro Safaaradda iyo Jaaliyadda u dhaxeyso.
Waxaa xusid mudan in Safaaradda lagu eedeeyo in tahay goob ay shakhsiyaad fara ku tiris ah ka adeegtaan oo ay waxa ay doonaan ka sameestaan. Iyadoo la sheego in deeqaha waxbarasho iyo fursadaha ay u siman yihiin umadda aanan loo qeybin si caddaalad ah.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|