Somali News
    Hees  

Maqaal: Diasporoow: Fadlan ha inoo imaan hadaad xil-doon tahay!!

Mogadishu Sabti 27 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Diasporoow: Fadlan ha inoo imaan hadaad xil-doon tahay!!

Laga soo bilaabo sanadkii 2000 iyo wixii ka dambeeyay waxaa dowladihii KMG ahaa ee dalka Soomaaliya isaga dambeeyay ka soo mid noqonayay xubno ka tirsanaa qurba-joogta Soomaaliyeed ee loo yaqaano "Diaspora", kuwaasi oo ahaa dad ujeeddo badan ah, iyadoo qof walba oo qurba-joogtaasi ka mid ahna ay dano gaar ah ka lahayd ka mid ahaanshaha dowladihii KMG ahaa.

Inkastoo intii u dhaxeysay 2000 ilaa 2011-kii ay qurba-joogtu Minority ay ku ahaayeen maamuladii uu wadanku yeeshay hadana markii la soo gaaray bartamihii 2011-kii waxaa mar kaliya lagu baraarugay dadkii qurba-joogta ahaa oo inqilaab aan wax dhiig ah ku daadan kula wareegay gebi ahaanba kuraasta Golihii Wasiirada, iyadoo Wasaarad walba uu Wasiir, Wasiir K/Xigeen ama Wasiiru Dowle ilaa iyo Agaasime guud uu ka noqday ruux ka yimid dalka dibadiisa.

Labadii xukuumadood ee ugu dambeeyay ee dalka laga yagleelo oo ay kala hoggaaminayeen qurba-joogga Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Qurba ku noole Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas waxaa kor ilaa iyo hoos afduub ku qabsaday qurba-joogtii Soomaaliyeed, kuwaasi oo u muuqday inay u hamuun qabeen sidii mar uun ay xilal sarsare uga qaban lahaayeen gayiga Soomaaliya, bacdamaa ay in badan dalka dibadda uga maqnaayeen.

Cidi iskuma diidana in qurba-joogtu yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo xaq u leh inay wax ka hoggaamiyaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed, hase yeeshee waxaa ayaan darro ah in qurba-joogtii xilalka loo dhiibay badankood aanay ahayn Soomaali dhab ah, kuwaasi oo noqday dad ku faanaya hadba dalkii ay dhalashada ka qaateen, iyagoo iska iloobay ilaalintii sharaftii Soomaalinimadii ay u dhasheen iyo mas'uuliyadii kale ee la huwiyay.

Waxaa murugo, ciil iyo uur ku taallo igu reebaya marka aan soo xusuusto yididiiladii iyo rajadii ay dad badani ka qabeen qurba-joogta, waxaana i gubaya oo aan hilmaami karin sheekooyinkii ay isla dhex mari jireen dadkeena aan qurba-joogta ahayd ee loo yaqaano "Dal-joogga", kuwaasi oo ku doodi jiray mar haddii la helo Wasiiro iyo Ra'iisal Wasaareyaal qurba-joog ah inay dalka duulin doonaan oo ay samadda geyn doonaan, isla markaana ay wadanka kala mid dhigi doonaan dalalkii ay ka yimaadeen oo kale, balse malaha rajadaasi laga filayay qurba-joogta wuxuu noqday humaag been ah iyo hal bacaad lagu lisay oo kale marka leys barbar dhigo wixii laga sugayay inay qabtaan iyo sidii ay ugu fashilmeen inay horumariyaan Wasaaradihii loo igmaday.

Dhaqan xumo isugu jirta tumasho, balwad ku faan, shan saac shaqo soo gelid, iska ilaalinta dadkii gudaha ku noolaa, faan iyo been aan xad lahayn, hanti urursasho, ku tumashada dhaqanka, xishood darro, cibaado la'aan, u nacamleynta ajaanibta dalka soo booqata, dalxiis iyo tamashle aan qorshe lahayn iyo kuwo oo la mid ah ayaa qurba-joogtii nasiibka u heshay inay mas'uuliyiin dalkaan ka noqdaan lagu bartay, waxaana intaasi iigala sii yaab badnaa markii aan booqday dhowr Wasaaradood oo ay qurba-joogtu Wasiiro ka ahaayeen, kuwaasi oo aan ku soo dhex arkay xafiisyadooda inay is barbar yaaleen calanka Soomaaliya iyo calanka wadanka uu Wasiirku dhalshada ka qaatay intii uu qaxootiga ahaa.

Waxaa xaqiiqo ah in qurba-joogtii xilalka ka soo qabatay dalka Soomaaliya badankood ay ahaayeen dad isugu jiray Taksiileyaal, ceyr ku noolayaal, dhaqan laawayaal, fadhi ku dirirayaal ay qabyaaladi dillootay, qaar aan waaya arag ahayn iyo kuwo bulshadii shisheeye ee ay la noolaayeen wax muhiimad iyo qiime ah aanay ku lahayn, balse dadka Soomaaliyeed ee ay madaxda u noqdeen isaga dhigayay aqoonyahano aan la gaari karin iyo waaya aragiin aan la heli karin oo kaligood mooyee aan dalka iyo dadka Soomaaliyeed badbaadin karin, taasi oo maanta beenowday.

Shalay maanta ma aha....haddii shalay qurba-joogtu sharaf, qiimo iyo tixgelin loo hayay wallee maanta taasi ma jirto, maxaa yeelay muwaadin walba waxa uu ka dheregsan yahay dhaqan xumada iyo waxtar la'aanta dadkaasi, sidaasi daraadeed ma filayo in Soomaaliya ay ku dagmi doonto in dib dambe loo aamino qurba-joogta aan u naxeyn dalkaan inaga wada dhaxeeya.

Aan ku xusuusiyo Soomaaliga dhabta ahow Wasiiradii Farmaajo iyo kuwii C/Weli ee bannaanka ka yimid midkoodna maanta dalka kulama joogo mar laga reebo qaar yar oo macaanka xilka dartiis xildhibaano u noqday mooyee, waxaana kuwaasi ka sii daran musharaxiintii xilka Madaxweynenimada ee qurbaha ka timid iyana haddii ay Madaxweynenimadii waayeen wadanka waa ay isaga yaaqeen.

Hoteelada magaalada Muqdisho waxa ay xilligaan la ciir ciirayaan qurba-joog xil-doon ah, waxaana suuragal ah hadaad tagto qaar ka mid ah Hoteeladaasi inaad aragto dad qurba-joog ah oo kuu sheegaya inay u yimaadeen sidii ay u qaban lahaayeen xilalka ugu sareeya ee Dowladda cusub iyo kuwo soo bandhigaya inay u soo laabteen sidii ay u noqon lahaayeen safiiro ama loogu magacaabi lahaa hoggaaminta hay'adaha dhaqaalaha ee dalku leeyahay, waxaana intaasi ka sii daran in haatan xafiiska Ra'iisal Wasaaraha ay yaalaan ilaa iyo 132-arji oo qurba-joogtu ay ku dalbanayaan in xilal loogu magacaabo, sidaasi daraadeed waxaa isweydiin mudan "Suuragal ma tahay in mar dambe la aamino qurba-joog xil-doon ah" mar haddiiba horay loogu soo hungoobay waxqabadka kuwii ka horeeyay ee dalka isaga cararay kaddib markii ay waxba ka soo naasa cadaan waayeen beentii ay dalka ku soo galeen.

Sida xaqiiqda ah qurba-joogtu ma wada xuma, waxaana hubanti ah in laga dhex heli karayo dad nadiif ah, waxaana xusid mudan inay jiraan qurba-joog horay loo mahadiyay ee wax ka qabtay dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, samafalka iyo horumarinta bulshada kuwaasi oo ku amaanan howshii ay dalkooda ka sameeyeen.

Iyadoo laga duulayo marxalada cusub ee uu dalku galay, waxaa run ah in qof walba looga baahan yahay inuu qeybtiisa ka qaato nabadeynta iyo u adeegidda shacbigiisa, mana haboona in la isu kala saarsaaro qurba-joog iyo dal-joog, waxaana Soomaalida la gudboon inay gacmaha is qabsadaan, balse waxaa marnaba u qurqursameynin ummadda Soomaaliyeed ee gudaha ku nool inay ku qancaan hagardaamooyinkii lagu bartay qurba-joogta, sidaa aawgeed ugu dambeyntii dadka oo wada jira ee ah dal-joogta Soomaaliyeed ayaa leh "Diasparoow fadlan ha inoo imaan hadaad xil-doon tahay".

Waxaa Diyaariyay:-
Jabriil M. Nor (Jabra)
jabriil37@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)