|
Maraykanka oo sheegay in uu balaarinayo saldhigyada uu kala dagaalamayo dhaq dhaqaqyada islaamiga ah ee ka jira Qaarada Afrika
Mogadishu Sabti 27 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maraykanka oo sheegay in uu balaarinayo saldhigyada uu kala dagaalamayo dhaq dhaqaqyada islaamiga ah ee ka jira Qaarada Afrika.
Xog ay ka heshay wargeska kasoo baxa dalka maraykanka Washington Post wasaarada gashandhiga maraykanka ayaa lagu sheegay in maamulka
madaxweynaha wadanka maraykanka obama uu qorsheenayo balaarinta saldhigyada uu ku leeyahay wadanka jabuti midkasi uu maraykanka kala
dagalamayo kooxaha islaamiyiinta ah ee ka soo ifbaxay qaarada afrika.
Saldhiga maraykanka uu ku leeyahay dalka jabuuti ayaa maalintii 16-jeer waxa ka duula diyaradaha dagaalka aan duuliyaha lahayn oo soo
uruuriya macluumadka kooxaha argagexisada ee ka jira qaarada afrika.
Hawgalka diyaaradaha dagalka aan duuliyaha lahayn ayaa hawshoodi waxa lagu gaabiyay kaliya la socodkan dhaq dhaqaqyada islamiyiinta somalia
ee al-shabab,saldhigasi ayaa waxa uu yahay mid ku yaala konfur bari wadankaasi jabuuti.
Saldhiga oo lagu magacaabo kamp lomniyeer ayaa hore waxa u aas aasay dawlada faransiska halkasi oo ay ciidamada bada maraykanka ay si KMG
ah uga shaqeen jireen,balse labo sano kadib ayaa maraykanka halkasi waxa uu u badaly saldhig lagala dagaalamo al-qaeda-da dibada uga
timaada xarakada al-shabab ee ka dagaalanta somalia.
Wargeska washington post ayaa sheegay in wariyaal ka tirsan wargeska ay booqdeen saldhigaasi oo ku yaala wadanka jabuuti halkasi oo ah
xarunta ugu weyn ee bantogoonka maraykanka kala dagalamo kooxaha islamiyinta ah ee wadamada somalia iyo yemen.
Saldhiga waxa ku sugan 3200- oo askari ah kuwasi oo isgu jira ciidamo si gar ah u tababaran iyo kuwa kale oo sirdoonka wadankasi,
Bantogoonka Maraykanka waxa uu qorsheenayaa in saldhigyada cusub lagu bixiyo lacag gaaraysa 1.4-bilyan oo dolarka Maraykanka waxaana uu
qaadaya askar gaaraysa 1100-askari oo ciidanada sida gaarka u tabbaran ah.
Maraykanka waxa uu shegay in uu dar dar galin doono sidii gacanta loogu so dhigii lahaa horjogaal sar sare oo katirsan xarakada
al-shabab kuwaasi uu maraykanka si gaar ah u badi goobayo.
Tirada diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha lahayn ayaa waxa cabsi weyn ka mujiyay dawladaha dhaca qaarada afrika, Maraykanka saldhigaa
waxaa uga baxda lacag garaysa 38-milion oo dolarka Maraykanka taasi oo la siiyo xukuumada Djibouti.
Diyaaradaha dagaalka Maraykanka aan duuliyaha lahayn ayaa weraro ay ka gestay somalia dhawr jeer xiligaasi oo ay ku bartilmamysadeen saraakil
sar sare oo ka tirsan Al-shabaab ee Somalia.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|