|
Midowga Yurub iyo Ethiopia oo gaaray hishiis lagu dar der gelinayo la
dagaalanka Al-Shabaab
Mogadishu Sabti 27 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Midowga Yurub iyo Ethiopia oo gaaray hishiis lagu dar der gelinayo la
dagaalanka Al-Shabaab.
Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa ku kulmay reysul
wasaaraha dalka Ethiopia xeela maryam deselqi iyo ergeyga gaarka ah ee
midowga Yurub u qaabilsan arrimaha africa Allex Randos waxana ay ka
wada hadleen arimo intooda badan quseeya la dagaalanka waxa loogu
yeero argigixisada.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warameysa in Ra’iisul Wasaarahadalka
Ethiopia Xayla Mariam-Desalegn iyo ergeyga gaarka ah ee midowga yurub u
qaabilsan arimaha africa Allex randos ay ka wada hadleen sidii ay u
sii laba jibaari lahaayeen in gobolka geeska africa looga ciribtiri
lahaa waxa ay ugu yeereen argigixisada , iyagoo farta ku fiiqay
xarakada Al-Shabaab oo Soomaaliya oo Ra’iisul WasaarahaEthopia uu sheegay
inay caqabad ku tahay xasiloonida qaaradda africa iyo caalamka oo dili
sida wakaaladdu ay sheegeyso.
Xayla Mariam Desalegn Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxa uu sheegay in
dowladdiisu ay sii wadi doonto howlgalka ka dhanka ah al shabab oo
gudaha somalia ay ka wado ,waxana uu tilmaamay in ciidamada ethopia ee
Soomaaliya ku sugan aysan ka soo bixi doonin dalka somalia ilaa iyo inta
ay ka wiiqayaan awoodda Al-Shabaab.
Allex Randos ergeyga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan arrimaha
Africa ayaa isna sheegay in ururka midowga Yurub wadamada Afrikaanka
ah uu ku taageerayo taageero dhaqaalo iyo mid militeri intaba si looga
adkooda kooxaha carqaladeenaya amaanka qaaradda africa oo uu sheegay
in Al-Shabaab ay ka mid tahay.
Dowladda Ethiopia ayaa faragelin toos ah ku heysa dalka somalia iyadoo
ciidamo kuweeda ah ay ku sugan yihiin gudaha dalkeena.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|