Somali News
    Hees  

Qarax khsaare lixaad leh gaystay oo Ka Dhacay Maqaayad ku taala Magaalada Kismaayo

Mogadishu Sabti 27 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Qarax khsaare lixaad leh gaystay oo Ka Dhacay Maqaayad ku taala Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Qarax xooggan oo khasaare lixaad leh gaystay inuu manta ka dhacay maqaayad shaah lagu iibiyo oo kutaalo bartamaha magalada kismayo.

Khasaaraha aya la soo sheegayaa inuu yahay dhimashada haweyneey iyo dhaawaca dad kale oo aan lahayn tiradooda, iyadoo aan la ogayn in qaraxaasi uu khasaare ka soo gaaray ciidamada Dowladda iyo in kale.

Qaraxa ayaa ahaa mid lala beegsaday Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo qaarkood ku jiray Maqaayadaasi, qarxaasi ka sokow waxaa xalay xafada Guulwade lagu dilay qof shacab ah, lamana yaqaan waxa u sababsaday ruuxaas shacabka Magaalada Kismaayo deganaa.

Magaalada Kismaayo ayaa waxa ka soconaya howlgalo ay wadaan ciidamada dowladda, , iyadoo ciidamada Dowladda Soomaaliya ay baadigoob ugu jiraan shaqsiyaadka nabad xumida ka jirta Magaakladaasi wada.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)