Somali News
    Hees  

Koonfur Afrika Oo Looga Dabaaldagay Magacaabista Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir

Cape Town Sabti 27 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Koonfur Afrika Oo Looga Dabaaldagay Magacaabista Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir

Cape Town -- Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan Jaaliyadda Beesha Shiikhaal, ayaa dabaaldeg aan horey loo arag ku sameeyey Magalo-xeebeedka Cape Town, iyagoo damaashaadkoodana ku maamuusayey soo dhaweynta Degmada Kaxda oo dhawaan kusoo biirtay Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Boqalaal Soomaali ah oo isugu jira Madaxda Jaaliyadda, Culimaa'udiin, Odayaal iyo dhallinyaro u badan dad deegaan ahaan kasoo jeeda Degmada cusub ee Kaxda ayaa soo buux dhaafiyey Hoolka shirarka iyo xafladaha ee Boston oo ku yaalla xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Bellville, waxaana ugu horeyn halkaasi khudbad ka jeediyey mid ka mid ah mashaa'iiqda Jaaliyadda Soomaalida, islamarkaana kaalimaha hore kaga jira dadkii kasoo shaqeeyey sidii Deegaankaasi Kaxda loogu magacaabi lahaa Degmo rasmi ah, isagoo amaan gaar ah usoo jeediyey Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed oo isagu lahaa magacaabista Degmada.

Agaasimaha Xafladda Axmed Cabdi Cilmi (Garuun), oo isna halkaa ka hadlay ayaa ugu baaqay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay soo celiso dhammaan kaabayaashii Degmada, sida Saldhigii Booliska, xaruntii Degmada, Waxbarashada iyo Caafimaadkaba, isagoo sidoo kale ugu yeeray Ganacsatada Soomaaliyeed inay maalgashi ku sameeyaan degmadaasi.

Isagoo ku hadlayey magaca odayaasha, ahna Gudoomiyaha Golaha Odayaasha Soomaaliyeed ee Gobalka Western Cape, ayaa Daahir Maxamuud Cali (Baasto) waxa uu xafladda ka sheegay in midnimo iyo qaranimo buuxda lagu gaaro wax wada qabsi si siman loogu wada guntado iyo in la iska qabto danaystayaasha dabar-goynaya dhaliyaradeena, islamarkaana ku adeeganaya dhalinta intooda aan aqoonta laheyn si danahooda gaarka ah ay ugu fushadaan.

Gudoomiyaha Somali Comunity Board Cabdi Yare Jidow, ku xigeenkiisa Muuse Muude Afrax, ayaa sidoo kale khudbado u badnaa dardaaran halkaasi ka jeediyey, waxaana hadalka qaatay Gudoomiyaha Jaaliyadda Jubbooyinka ee Western Cape Maxamed C/laahi Cali (Madaxweyne) oo ku baaqay in deegaanada ay beeshu degto ee Jubbooyinka sidoo kale il gaar ah loo yeesho islamarkaana degmooyin loo magacaabo iyadoo laga shidaal qaadanayo Degmada Kaxda.

Sidoo kale Nabadoon Cabdi Cali Bisle oo ku hadlayey magaca Ahlu Sunna Waljameeca, Nabadoon Maxamed Cabdi Sanka iyo marti sharaf kale, ayaa iyaguna kalmado qiira leh oo amaan iyo bogaadin isugu jira ka jeediyey munasaabadasaai lagusoo dhawaynayey magacaabista Degmada Kaxda, iyagoo balan qaaday wada shaqeyn iyo midnimo inay kusoo dabaali doonaan si loo islaaxiyo Degmadaasi cusub.

Axmed Xasan Mascuud oo kaalin weyn ku lahaa qabanqaabada xafladda, Maxamed Cabdul Cabdi iyo C/qaadir Sheekh Nuur Ibraahim (Afar Adinle) oo dhanka baratakoolka xafladda ku socotay kala hagayey, waxaana xusid mudan in warbixin weli maanka dadweynihii goobta joogay ka guuxaysa uu halkaasi ka akhriyey C/raxmaan Maxamed Macalin (UK) taasoo uu kaga sheekeeyey taariikhda Degmada Kaxda, halka ay Muqdisho kaga taalo, Kaabayaasha ay degmadu ku faani karto iyo arimo kale oo badan.

Si kastaba Degmada Kaxda, ayaa noqotay degmadii 17-aad ee uu yeesho Gobalka Banaadir.

Fiiro Gaar ah : Naga filo Sawirada Xafladda oo habaysan

C/risaaq IndhaJaceyl
Cape Town, South Africa
Tell : +27783420920
E-mail : Daauus1@gmail.com
Indhojaceel2003@hotmail.com

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)