Somali News
    Hees  

Dowladda Australia oo taageeraysa ciidamada Uganda ee ka midka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya

Mogadishu Sabti 27 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dowladda Australia oo taageeraysa ciidamada Uganda ee ka midka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Safiirka dowladda Australia u fadhiya dalka Uganda Gudrun Gar , ayaa waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan taageerida ay siinayaan dowlada Uganda, gaar ahaan ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, wuxuuna safiirka sheegay in dhanka dhaqaalaha ay ka taageeri dioonaan dowlada Uganda si ay ugu fududaato in howlgalka ay sii wadaan ciidamada Uganda Soomaaliya ku sugan si nabad loogu soo dabaalo Soomaaliya.

Wadanka Australia ayaa shaaca ka qaaday inay taageero dhan walba ah siineyso dowlada Uganda si ay ugu suurta gasho in sii wado howlgal ay ka wado Soomaaliya ee ku aadan la dagaanka Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ka jira.

Safiirka dowlada Australia u fadhiya dalka Uganda waxa uu sheegay in ciidamada Uganda ay ku sugan Soomaaliya ay u baahan yihiin, wax walbo hadii ay noqon lahayd dhanka dhaqaalaha hadii ay noqon lahayd dhanka qalabka si ay u sii wadaan nabad ku soo dabaalida Soomaaliya.

Dhinaca kale Dowlada Australia ayaa balan qaaday in sii wadeyso taageerida ay siineyso ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo Dowladda Australia balanqaaday inay taageerayaan howlgalka ka socda Soomaaliya ee uu Ururka Midowga Africa ay ka wadaan Soomaaliya.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)