Somali News
    Hees  

Abuu Zubeyr: "Mar kale ayaan qabsan doonaa Gobolada Jubooyinka iyo Goobihii nalaga qabasaday , Farxada Cadowga Kenya ma ahan mid sii waari doonta.."

Mogadishu Sabti 27 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Abuu Zubeyr: "Mar kale ayaan qabsan doonaa Gobolada Jubooyinka iyo Goobihii nalaga qabasaday, Farxada Cadowga Kenya ma ahan mid sii waari doonta.."

(Codkii abuu zubeyr)

Hoggaamiyaha ugu sareeya ururka Al-Shabaab Sheekh Muqtaar C/raxnmaan (Abuu Zubeyr) ayaa khudbad ku aadan munaasabadda ciida u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, waxaana farriin cod ahayd oo la soo dhigay barta ay Shabaabku ku leeyihiin Internet-ka uu uga hadlay guud ahaan xaaladda wadanka.

Waxa uu sheegay hoggaamiyaha Al-Shabaab hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabadda ciidul Adxa awgeed, isagoo in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan bashbash iyo barwaaqo iyagoo waliba sida uu sheegay iska xoreeyay wax uu ugu yeeray cadowga dalka qabsaday.

Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr ayaa ka hadlay arrimaha gobolada Jubbooyinka, wuxuuna caddeeyay in farxadda ka muuqata ciidamada Kenya aanay ahayn mid sii waareysa, wuxuuna tilmaamay inay u geysteen weeraro dhowr ah oo uu caddeeyay inay qasaarooyin kala duwan ugu geysteen.

"Mar kasta oo cadowgu isku baahiyaan dalka mujaahidiintana waxaa u fududaaneysa inay naafeeyaan" ayuu yiri Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr oo dhinaca kale sheegay inay mar kale qabsanayaan gobolada Jubbooyinka dhammaanba goobihii laga qabsaday.

Waxa uu sheegay hoggaamiyaha Al-Shabaab inay weeraraan habeen iyo maalin fariisimaha ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM/Kenya, isla markaana ay qabsadeen hub iyo saanado milateri ayna ka dileen qaar ka mid ah askarta Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Amiirka Al-Shabaab in marka ay dib ula wareegaan goobihii ay ka qabsadeen ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay weeraro ku qaadayaan magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, taasi oo uu sheegay inay halkaasi ka ridayaan dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)