Somali News
    Hees  

Dawlada Uganda oo shaaca ka qaaday in aysan Soomaaliya u joogin hab dhaqaale raadin ah

Mogadishu axad 28 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Dawlada Uganda oo shaaca ka qaaday in aysan Soomaaliya u joogin hab dhaqaale raadin ah.

Isagoo wareysi dhinacyo badan taabanaya siinayay wasiirka arimaha dibada wadanka uganda Mr Sam Kutesa wargeska kasoo baxa wadanksi uganda Sunday Monitor ayaa waxa uu ika hadlay arimo ay ku jirto hawgalka ciidamada midnimada afrika ee amisom gaar ahaan kuwa uganda ee qeybta ka ah ciidamadasi.

Wargeeska oo diirada ku saaraayay wareysiga ay wasiirku la yeeshen dhan ka arimaha dhaqaalaha wadankaasi uu dood badan ay ka taagan tahay sida loo wajaho lacagaha la siiyo askarta dib ugu laabata wadankasi Uganda ee ka dagaalamaya Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Uganda kaga sugan dalka Soomaaliya aysan ahayn kuwo dhaqaale raadis ah, waxana wasiirka arimaha dibada wadanka uganda Sam Kutesa uu tilmaamay in ciidamadooda ay yihiin kuwo taagero ka helaya ururka midawga afrika.

Wasiirka arimaha dibada wadanka uganda ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada uganda kaga sugan somalia ay yihiin kuwo dalka somalia u jooga sidii nabad ay ugu soo dabali lahaayen dalka Soomaaliya.

Dawlada ugandha ayuu tilmaamay mr Sam Kutesa in ay u istaagtay sidii ay somalia cagaheedi iskugu taagi lahayd.

Uganda waxa ay kamid tahay ciidamada midawga afrika kaga sugan somalia kuwaasi oo ka qeyb qadanaya la dagalanka xarakada al-shabaab iyo sugida amniga xarumaha dawlada Soomaaliya.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)