Somali News
    Hees  

Rag ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay isgoyska Geed Jaceyl iyo awaamiir laga soo saaray degmada Wardhiigley

Mogadishu axad 28 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Rag ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay isgoyska Geed Jaceyl iyo awaamiir laga soo saaray degmada Wardhiigley.

Ciidamada ammaanka degmada Wardhiigley ayaa gacanta ku dhigay wiil ka tirsan ururka Al-Shabaab, kaasi oo marayay xilligii la qabanayay isgoyska Geed Jaceyl ee ku yaala wadada wadnaha, waxayna ciidamada ula soo dhaqaaqeen saldhigga degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in wiilka la qabtay ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa amniyaadka iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho, kaddib markii uu soo qabtay wiil horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse ka soo goostay una soo wareegay dhinaca Dowladda.

Guddoomiyaha degmada Wardhiigley Deeqo C/qaadir Axmed oo aanu ka xog wareysanay howlgalada amniga degmada lagu sugayo ayaa sheegtay in howlgaladaasi ay ka mid yihiin ololeyaasha lagu xoojinayo nabadgelyada isla markaana lagu cirib tirayo haraaga kooxda ururka Al-Shabaab ee iyagu had iyo goor doonaya inay carqaladeeyaan ammaanka degmada Wardhiigley.

Dhinaca kale Guddoomiye Deeqo ayaa faahfaahin ka bixisay awaamiir ay ka soo saartay degmadaasi oo ku wajahan ganacsatada iyo shirkadaha korontada ee degmada, waxayna sheegtay in ganacsatada iyo shirkadaha korontada ay ku amreen in qof kasta dukaankeeda hortiisa ku dhejiso nal si habeen ilaa 4-saac magaalada ganacsigeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda uu caadi noqdo.

Waxay sheegtay in amarka ay soo saartay ay aqbaleen ganacsatada, qaarkooda diidayna ay iska tallaab saareen dukaamadooda, halka in ku dhow toban ka mid ah dukaanleyda ay xabsiga dhigeen, kuwaasi oo iyagu ka hor yimid amarka ka soo baxay maamulka degmada.

Dhinaca kale awaamiirta ka soo baxday maamulka deg. Wardhiigley ayaa durba saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga wadada wadnaha inta u dhaxeysa isgoyska Xararyaale ilaa wadada Aadan Cadde, kaddib markii in ka badan tobaneeyo dukaan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)