Somali News
    Hees  

Kooxo Hubaysan oo shalay gelinkii dambe ku dilay sadax ruux degmada Matabaan gobolka Hiiraan

Mogadishu axad 28 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kooxo Hubaysan oo shalay gelinkii dambe ku dilay sadax ruux degmada Matabaan gobolka Hiiraan.

Dabley hubaysan ayaa lagu soo warramayaa inay saddex qof oo rayid ah shalay galinkii dambe ku dishay tuulada Oomane oo ka tirsan degmada Matabaan gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Matabaan Maxamed Warsame Nuur ayaa sheegay in dilka raggii fuliyay ay baxsadeen,ayna ku howlan yihiin soo qabashada dadkii ka dambeeyay falkaasi dilka ah.

Maxamed Warsame Nuur Guddoomiyaha Degamada Matabaan wuxuu kaloo sheegay in dilkan ujeedkiisa uu yahay siidi dadka gobolka Hiiraan ku wada nool colaad loo dhex dhigi lahaa, balse ay ku dedaali doonaan sidii arrimahaasi looga hor tagi lahaa.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in maamulkiisa uu falkaasi cambaareynaayo sida uga dhaqasaha badan wax uga qaban doonaan, waxaana la sheegay in ragga la dilay ay ahaayeen culimada tuulada Oomane ee Degmada Matabaan, iyadoo la sheegay in Culimadaasi hal meel lagu wada dilay.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)