Somali News
    Hees  

AMISOM oo sheegtay inay wax ka qabaneyso ammaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Leego

Mogadishu axad 28 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


AMISOM oo sheegtay inay wax ka qabaneyso ammaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Leego

AMISOM ayaa sheegtay inay xaqiijineyso amaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo leego, kadib markii ay isku ku soo bateen isbaarooyin lacago sharci dara ah looga qaado gaadiidla isticmaala wadadaasi.

Sarkaal ka tisan ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay muhiimadooda koowaad ay tahay inay xaqiijiyaan amaanka wadada Isku xirta Muqdisho iyo Leego.
 
"Way naga go’antahay inaan xaqiijino amaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Leego, suurta gaal maahan in dadka rayidka ah lagu dhibaateeyo wadada, waxaan dooneynaa anagoo wadajirna in aan sugno amaanka wadadaas" ayuu yiri Taliyaha guutada sagaalaad ee ciidamada AMISOM.
 
Deegaanada ay gacanta ku dhigaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, waxaa isbaarooyin shari dara ah dhigta qaar ka mid ah ciidamada Militariga Soomaaliya, waxaana mararka qaar dhacadaba in dadka iyo gaadiidka ay baartaan, hase yeeshee saraakiisha ciidamda dowlada ayaa isku dayay inay ka hortagaan isbaarooyinkaas.

Roobab lixaad leh qaar ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, iyadoo Wanlawayn ay ka mid tahay deegaanada ay roobabku ka da'een, waxaana deegaanadaasi mararka qaar ku arkaysaa iyadoo gawaarida AMISOM la jiidayo oo laga saarayo meelo Biyo fariisid ah oo deegaankaasi ka mid ah, waxaana halkaasi la geeyay Wariyaasha Muqdisho.















Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)