|
Ra'iisul wasaare Saacid oo saacadaha socda la filaayo inuu ku dhawaaqo golahiisa wasiirada
Mogadishu axad 28 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ra'iisul wasaare Saacid oo saacadaha socda la filaayo inuu ku dhawaaqo golahiisa wasiirada.
Cabdi Faarax Shir-doon "Saacid" R/wasaaraha xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqi doona golahiisa wasiirada.
Ra'iisul wasaaraha ayaa wadatashiayadii ugu danbeeyay ee uu ku soo xulanayo golaha wasiiraada xarunta madaxtooyada kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada,iagoo kala tashaday wasiirada yeelaneyso xukumadiisa cusub.
"Ilo ku dhowdhow Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaruhu dadaal badan ugu jiro inuu soo dhiso gole wasaaradeed oo tayo leh, si ay isbedel deg-deg ah ugu sameeyaan xaaladda dalka uu ku sugan yahay.
Ra’iisul waasaraha Soomaaliya oo xiligii la ansaxinayay xildhibaanada u sheegay inuu soo dhisi doono xukumad kooban oo taya leh ayaa looga fadhiyaa balanqaadkii uu sameeyay.
Mr. Saacid ayaa Baarlamaanka horegeyndoono wasiirada uu soo magacaabayo si loo nasaxiyo,hase yeeshee waxaan la ogeyn tirada ay noqon doonaan wasiirada uu soo magacaabayo R/wasaare Saacid.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|