|
Horyaalka Ingiriiska, Arsenal iyo Man city oo Badbaaday iyo Chelsea vs Man utd oo Balansan
Mogadishu axad 28 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Horyaalka Ingiriiska, Arsenal iyo Man city oo Badbaaday iyo Chelsea vs Man utd oo Balansan
Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 aya Guda galay meertadiisii 9 ee Lugtiisa hore waxaana shalay la ciyaaray Kulamo ka Tirsan Horyaalka oo qaarkod Natiijadooda la sugayay.
Kulmadii shalay dhacay Kooxda Arsenal vs QPR ayaa isku Macsalaameeyay Gool soo daahay oo uu Lambarka 8 ee Arsenal dhaliyay Arteta Daqiqiadii 84 ee qeybtii danbe ee Ciyaarta.
Kooxda Arsenal oo Marti loo ahaa waxa xakaariyay Goolhayaha Cusub ee Kooxda QPR Julio Cesar oo kuabda Fara badan ka badbaadiyay Weeraryahanada ARSENAL.
Guushaan Kooxda rsenal waxa ay gayeysiisay inay 15 dhibcood Madaxa la galaan Halka QPR ay wali ku sii heyso Guuldaradaan kaalinta 20 ee kala horeynta Kooxaha.
Man city aya iyafuna Gool uu qalinka ku duugay Weeraryahnkeeda Tevez ku Sagootisay Kooxda Swansea,Ciyaarayan aya aheyd mid adag oow eerar iyo weerar celis la isku hayay waxa ayna Aakhirkii Gayeysiisay Kooxda Martida loo ahaa inay Cariirsadaan Kalainta 2 iyagoo leh 18 dhibcood.
Kulmadii kale ee dhacay Kooxaha Stoke City vs Sunderland ayaa kukala tagay 0-0,sidoo kale Reading iyo Fulham ayaa iyaguna isku xiiqay iskuna Macsalaameeyay 3-3,waxaa kaloo shalay wada ciyaaray Kooxaha Aston villa vs Norwich C. waxna ay ku kala baxeen 1-1 Halka Wigen ay 2-1 ku qaarajisay West Ham.
Manta oo axad ah 28 Oktoobar 2012 waxa dhici doona Kulamo kale oo ka Tirsan Mertada 9ee Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 waxana Kooxaha ay isku arki doonaan sidatan.
Everton vs Liverbool. waa labo naadi oo isku magaalo ka wada dhisan Marka Ciyaarta ay wada leeyihiin ilgaara ayey ku eegeeyaan dadweyanha degan Gobolka Liverbool ee Cariga England
Newcastle vs West Bromwich
Southampton Vs Totenham
Kulanka Darbiga ah ee la wada sugayo waa kan qabsoomi doona hadii alle idmo 6 -00 Maqribnimo ee Saacada Afrikada Bari una dhaxeeya Kooxaha Chelsea vs Man Utd oo ah 2 naadi oo xifaaltan adagi ka dhaxeeyo,Kooxda Martida ah ee Man Utd waxa Hortaala 2 daran mid dooro oo ah Inay Kalainta 3 ku dhacaan iyo inay la qabsadaan Kaalinta 2 Xaga dhibcaha Kooxda ay isku Magaalada yihiin ee Man city oo leh 18 dhibcood.Halka Kooxda Chelsea ay iyadana Hortaalo 2 daran mid dooro inay badiyaan ama barbaro Galaan si ay u sii Hogaamiyaan Horyaalka ,iyo In Laga Badiyo Markiii ugu Horeysay 8ciyaarood ka dib oo Horyaalku Noqdo mid luqunta la iskula jiro.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|