Somali News
    Hees  

Booliska Kenya oo magaalada Mombaasa ku dilay rag la sheegay inay Ka Tirsanaayeen Al-Shabaab

Mogadishu axad 28 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Booliska Kenya oo magaalada Mombaasa ku dilay rag la sheegay inay Ka Tirsanaayeen Al-Shabaab.

War ka soo baxay Ciidamada Booliska Kenya ee Magaalada Mombassa ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay ciidamadu ku dileen rag la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Ragaan la dilay ayaa la sheegay inay ahaayeen laba nin, wuxuuna dilkooda ragaasi yimid kadib markii Ciidamada Booliska weerar ay ku qaadeen guri ku yaal Magaaladaasi, kaasi oo horay looga shakisnaa inay ku dhuumaalaysanayeen ragaasi la dilay.

Ciidamada Boliska Kenya ayaa sheegay in horay loogu wargaliyay in shaqsiyaadka la dilay ay qorsheynayeen weeraro ay ka fuliyaan Magaalooyin ka tirsan dalka Kenya, islamarkaana ay ahaayeen Xubno sar sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Qaacida gaar ahaan Al-Shabaabka Soomaaliya.

Saraakiil u hadashay Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay inay la wareegeen hub fara badan oo ay ka mid ahaayeen Saddex Bambooyinka gacanta ah, waxayna ciidamadu sheegeen in ragaasi la dilay loo heystay in ay doonayeen falal amni darro oo ay ka geystaan gudaha Kenya.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)