Somali News
    Hees  

Faroole oo qorsheynaya in uu isbaheysi gobolada jubooyinka ah la sameysto beesha ogaadeen

Mogadishu Isniin 29 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Faroole oo qorsheynaya in uu isbaheysi gobolada jubooyinka ah la sameysto beesha ogaadeen.

Madax weynaha maamul goboleedka puntland Cabdi Raxmaan faroole ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday qorshe uu ku doonayo in uu gobolka jubada hoose maamul u sameyntiisa kula midoobay beesha Ogaadeen oo haatan iyaga oo garabsanaya ciidamada Kenya gacanta ku haya Magaalada Kismaayo.

faroole ayaa doonaya in beelaha hawiye Hawiye iyo Sede uu ka fogeeyo saameyn ay ku yeeshaan maamulka cusub ee ay dowlada kenya dooneyso in ay u sameyso gobolada jubooyinka iyadoo aan wax talo ah weydiin dowlada soomaaliya taas oo u muuqata mid aan soconeyn oo xiligeedii dhamaaday.

Dhinaca kale dowlada Ethiopia oo il gaar ah ku fiirineysa Jabhada ONLF ayaa qorsheyneysa sidii taageero HUB iyo DHAQAALE ugu fidin laheyd maleeshiyada Beesha SEDE ee uu hogaamiyo Bare aadan Shire HIIRAALE oo hore uga talin jiray Gobolada jubooyinka intii aaney qabsan maleeshiyooyinka Al SHABAAB.

Waa markii ugu horeysay oo maleeshiyo beesha Ogaadeen ka socda ay qabsadaan Gobolada jubooyinka oo 22-kii sano ee lasoo dhaafay gacan ku heytooda uu dhiig badan ku daatay kuna dagaalameen Beelaha Majeerteen, hawiye iyo Sede, Isbaheysigan cusub ee uu doonayo Faroole ayaan la'ogeyn sida uu u suura geli karo maadaama uu doonayo in gobolada jubooyinka laga dhiso maamul goboleed hoos taga puntland.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)