|
Nabadoonm Maxamed Xasan Xaad: "Waxaan leenahay Qabaa'ilada Soomaaliyeed uma qeybsanto sagaal wasiir.."
Mogadishu Isniin 29 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Nabadoonm Maxamed Xasan Xaad: "Waxaan leenahay Qabaa'ilada Soomaaliyeed uma qeybsanto sagaal wasiir.."
Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah nabadoonada Soomaaliyeed ayaa wax aan suurta gal aheyn ku tilmaamay in wasiirada la soo dhisay0 laga dhigo sagaal wasiir oo kaliya.
Waxaa uu sheegay nabadoon Xaad in qabaa’ilada Soomaaliyeed ay fara badanyihiin isla markaana ay u qeysani karin sagaal wasaaradood, waxaana ka digay in dhibaato ay ka dhalan doonyo hadii golaha wasiirada laga dhigo tiradii ay ahaan jireen ka yar.
"Sagaal wasiir uma qeybsanto qabaa’lada Soomaaliyeed, waxaana leenahay warkaasi haduu jiro wax haka bedelaan madaxda" ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo dhanka kale sheegay inay ku ceeboobi doono R/wasaaraha wax aan cuntami karin shacabka Soomaaliyeed.
Ugu danbetii Nabadoonka ayaa sheegay in fursad qaaliya ay heystaan madaxda ugu sareeysa dalka taasoo ay uga faa’iideysan karaan inay ku soo dhisaan xukumad taya leh oo dalka iyo dadka dib ugu soo celin karta sharafkii iyo karaamadii ay lahaayeen.
R/wasaare Saacid oo ay horyaalaan caqabado badan ayaa looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukumad taya leh taasoo ku saleysan qaabka 4.5 ee Soomaalida wax ku qeysato.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|