|
Dowladda K/Afrika oo irdaha u xirtay Dukaamo ay lahaayeen Ganacasato Soomaaliyeed
Mogadishu Isniin 29 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda K/Afrika oo irdaha u xirtay Dukaamo ay lahaayeen Ganacasato Soomaaliyeed.
Wararka ka imaanaya Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Ganacsatada soomaaliyeed oo ku nool dalka koonfur Afirika kuna ganacsada dalkaasi ay la soo derestay dhibaatooyin ay kamid tahay in iradaha layskugu dhuftay dukaamankii ay lahaayeen iyadoo arrintaasi loo sababeeynayo inay dalkaasi uga ganacsadaan si sharci daro ah, waxaana ay dowlada wadankaasi koonfur afrika ay diidan tahay inay la hadahso ganacsadata Soomalaiyeed ee Dukaamada laga xeray si loo xaliyo arrimahaasi.
Ganacsade lagu magacaabo Abshir ayaa sheegay inay dadaalo ugu jiraan sidii ay gacan uga heli lahaayeen safaarada Soomaaliya ee koonfur Afrika isagoo tilmaamay in safaarada goor dhaw loo soo magacaabay safiir cusub waxaana uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka dalbanayaan inay wax qabato dhibaatooyinka badan ee ganacsatada Soomaaliyeed ku haysata dalka koonfur Afrika.
In irdaha layskugu dhufto Dukaamo badan oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ayaa ah mid inta badan aan lagu arki jirin dalka koonfur afrika waxaase ay kamid noqoneeysaa dhibaatooyinka badan ee ganacsatada halkaasi loogu geysto oo ay ka mid tahay in dab la qabsiiyo Dukaamada iyo in boob baahsan loo geysto hantidooda.
Dhinaca kale Dowladda Koonfur Afrika ayaa iyadu waxba ka qaban dilalka joogtada ah ee lagu hayo Soomaalida ka ganacsata dalka Koonfur Afrika, iyadoo dalkaasi lagu dilay Soomaali fara badan tan iyo sanadkii 203-dii ilaa iyo iminkana lagu hayo boob iyo dilal joogto ah..
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|