Somali News
    Hees  

Xaflad hambalyo ah oo loo sameeyay kooxda SomaliaSporKlubb ee magaalada Gothenburg oo u gudbeysa heerka lixaad(Daawo sawirrada)

Gothenburg Isniin 29 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Xaflad hambalyo ah oo loo sameeyay kooxda SomaliaSporKlubb ee magaalada Gothenburg oo u gudbeysa heerka lixaad(Daawo sawirrada)

Waxaa magaalada Gothenburg ka dhacday xaflad ay qabanqaabiyeen maamulka kooxda Somaliasport klubb oo loogu hambalyeeynayay kooxdan oo soo tiigsatay ciyaaro kala baxa ah (Play off) oo ay la ciyaarayso 3 kooxood oo kale oo hadii ay ka hesho dhibco ku filan ay u gudbi doonto heerka 6-aad kadib markii ay heerka 7-aad ka gashay kaalinta 2-aad.

Kooxda ayaa haatan la geliyay wareeg ka kooban 4 kooxood oo is wada arag ah kaasoo garoonka kubadda cagta ee Heden waxaana laga doonayaa labada kooxood ee ugu sara mara wareegaan iyadoo ay afarta kooxood kusoo wada bexeen kaalinta 2-aad ee heerka 7-aad oo kala ahaa 4 qaybood (Division) oo u qaybsanaa A, B, C iyo D.

Kulanka ugu horreeya ayay kooxda SomaliaSko waxay ciyaari doontaa habeen dambe fiidkii saacadda Yurubta Woqooyi marka ay ku beegan tahay 19:30.

Gudoomiyaha kooxda Ibraahim Qalinle ayaa Gool FM u sheegay inay kooxdu ka kooban tahay heerar kala duwan oo waawayn iyo yaryarba leh (Junior & Senior) iyadoo kooxda haatan rajada lihi ay tahay kuwa waawayn ee 20-ku ugu wayn yahay.

Waxaa sidoo kale aqyaartii goobta ka hadshay aad ugu hambalyeeyeen Ibraahim Qalinle oo eeyku nuuxnuuxsadeen guusha eey kooxdu gaartay in uu hormuud ka ahaa.

Xafladda oo jawi wanaagsan ku dhamaatay ayaa waxaa ka dhex muuqday gudiga ciyaaraha, waalidiinta qaarkood, tababarayaasha, ciyaartooyda, warbaahinta, fanaaniinta iyo marti sharaf kale iyadoo ugu dambayntii la bixiyay abaalmarinno kala duwan oo la siiyay dadkii loo gartay.

Dadkii goobta ka dhex muuqdayna waxaa laga xusi karaa Sheekh Bile oo aayado qur’aan ah ku daahfuray, Ibraahim Qaline, Maxamed Diini, Aadan Oor, Cali Qaran oo ka socday xawaaladda Juba Express, Cabdulqadir oo ah orodyahan Soomaaliyeed, Tababarayaasha kala ah: Faagte, Cumar, Yoonis, Maxamed (Kuurshe) iyoQaaluusalaam, Hal abuurka Khaliif Faarax Xayir, sidoo kale fanaaniinta Saadaq Sayga iyo Cali Najiib iyo Goobdoon oo xiriirinayay.













































Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)