|
Al-Shabaab oo si gaadmo ku dishay Taliyihii Guutada shanaad ee Dowladda Soomaaliya.
Mogadishu Isniin 29 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Al-Shabaab oo si gaadmo ku dishay Taliyihii Guutada shanaad ee Dowladda Soomaaliya.
Weerar gaadmo ah oo shalay ka dhacay deegaanka ceel Wareegow ee duleedka Marka, waxaa ku geeriyooday Taliyaha guutada shanaad ee Militariga Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ibaraahim Faarax Goordan iyo kolonyo gaadiid ah uu watay ayaa waxaa wadada u galay kooxo hubeysan oo la rumeysanyahay inay ka tirsanyihiin kooxda Al-shabaab, waxaana iska horimaad dhaxmaray labada dhinac ku nafwaayay Taliyaha iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay geerida taliyaha iyo sadex ka mid ah askartiisa, waxaana uu gudoomiyuhu tilmaamay inay socdaan baaritaano lagu xaqiijinayo kooxaha jidka u galay.
Ilaa iyo hada kama hadlin Taliska ciidamada Militariga Soomaaliya janaraalka ka geriyooday, walow la rumeysanyahay kooxaha jidka u galay janaraalka iyo ciidamadiisa inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa xeelad ku dhufo oo ka dhaqaaq ah u bedalay dagaalkii foolkafoolka ahaa ay kula jireen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kaib markii laga saaray magalada Muqdisho iyo gobolada qaar.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|