|
Man utd oo Dirqi uga Badisay 9 Ciyaaryahan oo Chelsea ah Meertadii 9 ee Horyaalka Ingiriiska 2012-2013
Mogadishu Isniin 29 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Man utd oo Dirqi uga Badisay 9 Ciyaaryahan oo Chelsea ah Meertadii 9 ee Horyaalka Ingiriiska 2012-2013
Kulan adag ayaa Xalay Fiidkii dhexmaray Kooxaha Chelsea vs Man utd kaasoo qeyb ka ahaa Lugta 9 ee wareega Hore ee Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 oo shalay iyo Doraad la ciyaaray.
Ciyaartaan oo aheyd mid adag ayaa durbadiiba waxaa indha loo fiiqay Chelsea oo 12kii daqiiqo ee ugu Horeeyay ay ka dhasheen 2 gool oo daran doori ah
Daqiiqadii 4 Gool waxaa iska dhaliyay Difaaca Chelsea Luiz.
Daqiiqadii 12 Weeraryahan Van Peirse ayaa u labeeyay Chelsea Goolkaasoo Hurdada ka kiciyay waxaana Chelsea ay Bilowday Isku xirnaan adag iyadoo xoojisay Weerarkeeda.
Daqiiqadii 44 waxaa Bulisyone si wanaagsan shabaqa Man utd u suray 10 Juan Mata waxaana qeybtii hore lagu kala Nastay 2-1 ay Ku Horeeyaan Shayadiinta Man UTd.
qeybtii Danbe Markii laisagu soo noqday Chelsea waxa ay bilowday weerar Xoogan oo ay ku qaadayeen Goolka Man Utd waxaana Goolkii Barbaraha u dhaliyay Daqiiqadii 53 Rimeras Kaasoo ka dhigay Ciyaarta 2-2.
Taageerayaasha Chelsea waxaa ka nixiyay 2 Casaan ah oo Daqiiqadii 63 iyo 69 Loo Jaray Ivanovic oo difaaca ka Ciyaara iyo Torres oo Hujuumka ka Tirsan waxaana la yaab aheyd Qaabkii Garsooruhu u Bixiyay Casaankii danbe ee Torres.
Tababaraha Man utd iyo kan Chelsea waxa ay sameeyeen IsbadalCiyaartooy waxaana Ferguson uu Nasiibsaday Hernandez 14ka Man Utd una dhashay Mexico Kaasoo qalinka ku duugay Goolkii 3 ee Guusha Daqiiqadii 75-aad Ciyaartiina waxa ay ku soo Gaba gabowday Man Utd oo 3-2 Uaga Badisay 9- Ciyaarayahn oo Chelsea ka Tirsan.
Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 ooMaraya Meertadiisa 8 waxaa Ku Hogaamineysa 22 dhibcood Kooxda Chelsea halak Kaalinta 2 ay ku wada jiraan min 21 dhibcood Kooxaha Man City vs Man Utd.
Kulmadfii kale ee la ciyaaray Kooxaha Everton vs Liverbool ayaa isku Macsalaameeyay 2-2, Newcastle vs WestBrom 2-1 Southampton vs Totenham 1-2,
Waxaa Diyaariyay.
Axmd Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.om
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|