Somali News
    Hees  

Al-shabaab oo hanjabaadii ugu waynayd ugu jeedisay dowladda Kenya Bogeeda Twitter-ka ay ku leedahay

Mogadishu Isniin 29 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Al-shabaab oo hanjabaadii ugu waynayd ugu jeedisay dowladda Kenya Bogeeda Twitter-ka ay ku leedahay.

Boga Twitter-ka ay ku leeyihiin kooxda Al-shabaab ayay ku shegeen in weeraro xanuun badan ay ka geysandoonaan gudaha dalka Kenya kaasoo ay sheegeen inay uga jawaabayaan hasuuqa ciidamada Kenya ay ka geysanayaan Soomaaliya.

Warkaan la soo dhigay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Kenya ay ka shaleyn doonto qabsashada magaala xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose.

"Way ka shaleyn doontaa Kenya go’aanka ay qaadatay ee ay kula dagalaamayso mujaahidiinta Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraalkan Al-Shabaab ay soo dhigeen Bogga Twitter-ka.

Warbixinta ayaa lagu yiri mujaahidiinta waxaa ka go’an inay qaraxyo waaweyn ka geystaan Kenya, isla markaana ay sii wadaan dagalada ilaa ay guul ka gaarayaan.

Dhinaca kale Ma aha markii ugu horeysay oo xarakada Al-shabaab ay digniin iyo hanjabaad u jeediyaan dowlada Kenya, waxaana Kenya ay sii wadaa ama ay sii xoojneysaa dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)