Somali News
    Hees  

Johnnie Carson : "Maraykanka iyo Soomaalidaba war wanaagsan ayay u aheyd ka saaridii Shabab laga saaray magaalada Kismaayo

Mogadishu Talaado 2 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Johnnie Carson : "Maraykanka iyo Soomaalidaba war wanaagsan ayay u aheyd ka saaridii Shabab laga saaray magaalada Kismaayo annaga waan ku bogaadinaynaa in ciidamada Kenya.."

Dawlada Maraykanka ayaa ku amaantay ciidamada Kenya hawlgalada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan Jubooyinka.

Kaaliyaha xog’hayaha ariimaha dibbadda Maraykanka u qaabilsan arrimaha Africa Johnnie Carson ayaa u sheegay saxaafadda in xukuumadda Washington ay ku bogaadinayso ciidamada Kenya sida xirfadeysan ee ay dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab uga saareen magaalada Kismaayo waxaana uu tilmaamay in tilaabadaasi ay aheyd mid farxad ku abuuraysa Maraykanka.

Johnnie Carson waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM inay dadaal badan galiyeen la dagaalanka Al-Shabab iyo sidii ay uga saari lahaayeen magaalada Kismaayo oo Shababka ahmiyad gaar ah u laheyd.

"Maraykanka iyo Soomaalidaba war wanaagsan ayay u aheyd ka saaridii Shabab laga saaray magaalada Kismaayo annaga waan ku bogaadinaynaa in ciidamada Kenya" ayuu yiri Johnnie Carson
Galitaanka ay ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida ee Kismaayo ayuu sheegay inay tahay mid keeni karta nabad Soomaaliya ka islaaxda waxaase uu ka digay in magaaladaasi ay dhacaan qalaan qal ku dhisan qaab beeleed.

"Tagitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya ma aha inay qabsadeen ee waxaan ku tilmaami karaa wa xoreyn ku meel ah ah oo dadka deegaanka ayaa magaaladaasi muddo kadib maamulanaya ayuu sidoo kale yiri Johnnie Carson oo ah kaaliyaha xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka ee arrimaha Africa.

Johnnie Carson waxaa uu sidoo kale shaaciyay in xukuumadda Maraykanka ay sideedii u wadayso taageerada dhaqaale, ciidan iyo tababar ee ay siiso ciidamada AMISOM.

Ciidamada Kenya ayaa Xarakadda Al-Shabab kula dagaalama koofurta Soomaaliya iyadoona gaaritaanka magaalada Kismaayo ay ku qaadatay muddo sanad ah

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)