|
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Deegaano hor leh oo ka mid ah Gobolka shabeelaha hoose ka qabsaday Al-Shabaab
Mogadishu Talaado 2 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Deegaano hor leh oo ka mid ah Gobolka shabeelaha hoose ka qabsaday Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa faahfaahin ka bixiyay dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ka wadaan ciidamada Dowladda Soomaaliya ee xiligaan ku suagan Gobolka shabeelaha hoose.
C/qaadir Maxamed Nuur Siidii Wuxuu sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay u dhaqaaqeen dhanka Magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha hoose halkaasi oo ay maamulaan Kooxdda Al-Shabaab si buu yiiri ay uga saaraan ulana wareegaan degmadaasi oo ah magaalo xeebeed ku wanaagsan dhinaca istiraatiijiyadda dagaalka.
Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose wuxuu intaasa ku daray inay qabsadeen deeganada kala ah Buufoow,Hantiwadaag iyo sidoo kale Janaale oo dhamaantood ka wada tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose saacadihii ugu dambeeyay kuwaasi oo haatan gacanta dawladda soo galay.
Ugu dambeeyntii waxaa uu sheegay gudoomiyuhu inuu sii socon doono Howlgalka ay wadaan ciidamadda qalabka sida ee dawladda federalka Soomaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ujeedada laga leeyahayna ay tahay in Kooxdda Al-Shabaab laga saaro dhamaanba Gobalka Shabeelaha Hoose deeganada ay ka maamulaan.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|