Somali News
    Hees  

Booliska Kenya oo sheegay inay qab qabteen dhalinyaro Shabab ka tirsan iyo Hub fara badan

Mogadishu Talaado 2 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Booliska Kenya oo sheegay inay qab qabteen dhalinyaro Shabab ka tirsan iyo Hub fara badan.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay hawl galo ay ka sameeyeen xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ay ku qab qabtay dad ay ku eedeeyeen inay Shabab ka tirsan yihiin kuwaasoo doonayay inay weeraro ka geystaan gudaha Kenya.

Saraakiisha ciidamada Kenya ee magaalada Garissa ayaa u sheegay warbaahinta dalkaasi inay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 10 ruux oo Soomaali ah kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin Al-Shabab isla markaana ay ka dambeeyeen dilal shalay magaaladaasi loogu geystay askar booliska ka tirsanaa.

Taliyaha ciidamada booliska Kenya ee Garissa Chemonges Ndiema ayaa sheegay in dadka la qab qabtay sidoo kale laga helay goobtii ay ku sugnaayeen hub fara badan oo ay sidoo kalena waxyaabo qarxa ku jiraaan.

Sarkaalkaan waxaa uu sheegay in dhalinyarada ay hayaan ee Soomaalida ah ay dhawaan ka gudbeen xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya waxaana uu intaasi ku sii daray inay jiraan Soomaali kale oo la baadi goobayo.

"Hub fara badan ayaanu helnay waxaana aaminsanahay in kooxdaan aanu hadda hayno ay kasoo carareen magaalada Kismaayo" ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska Kenya Chemonges Ndiema.

Magaalada Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya saraakiisha ciidamadu waxay sheegeen inay bandaw saareen isla markaana ay baaritaano ka wadaan Kenya tan iyo markii ay ciidamadeeda gudaha Soomaaliya soo galeen dalkaasi waxa ka dhacay weeraro ay Al-Shabab geysteen.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)