|
Cabdi-Dheeg "Isbadal baa dhacay Isboortiga waxa uu hoos imaan doonaa Wasaarada waxaana lagu dhaqmayaa Dastuurka dalka u dagsan iyo kii 1960-kii"
Mogadishu Talaado 2 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Cabdi-Dheeg "Isbadal baa dhacay Isboortiga waxa uu hoos imaan doonaa Wasaarada waxaana lagu dhaqmayaa Dastuurka dalka u dagsan iyo kii 1960-kii".
Wasiirkii hore ee Wasaarada Dhalinyarada & Isboortiga Dowladii Dr. C/qaasim, Mudane C/naasir Saciid Seef (Cabdi Dheeg) ayaa ka hadlay Dhaq dhaqaaqa Isboortiga dalka Soomaaliya, Is badalka Dowlada Cusub ee ka curatay dalka iyo halka uu ku danbeyn doono Mustaqbalka Guddiyada Isboortiga Soomaaliyeed, asigoona ka dhawaajiyay in isbadalka ka dhashay dalka Soomaaliya uu yahay mid saameeyn ku yeelan doona hey'addaha kala gedisan ee dalka Soomaaliya ka jira.
Cabdi-Dheeg oo xilligaan ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu galay Marxalad ka duwan Marxaladihii hore, isla Markaana ay ka dhalatay Dowlad aan KMG aheyn, taasi oo is-badal dhab ah ku keeni doonta buu yiri Hey'addaha kala gedisan ee hoos taga Wasaaradaha Dowlada, taa oo ay ugu horeeso buu yiri Hey'adda Isboortiga Soomaaliyeed oo 17-kii sano ugu danbeesay mar waliba ku cel celineesay in ay ka madax banaan tahay Dowlada.
Mar uu soo hadal qaaday Xukuumada Cusub ee dhawaan ka dhalan doonta dalka soomaaliya, iyo Shaqsiga Xilligaan ku haboon in loo dhiibo Wasaarada Isboortiga ayuu xusay in lama huraan ay tahay in loo xusho Wasaaradaasi shaqsiyaad Aqoon durugsan u leh isla markaana Isboortiga dalka iyo kuwa dibada la socdo si logu baxo muranadii iyo is qab qabsigii soo jireenka ahaa ee ka dhex taagnaa Bahda isboortiga gudaha, dibada iyo Wasaaridihii Isboortiga ee soo maray Dowladihii KMG.
"Mar waliba waxaa lagu cel celin jiray Guddiyada Isboortiga waa ay ka madax banaan yihiin Wasaarada Isboortiga, taasina waxa ay aheyd xeer ay dagsadeen guddiga isboortiga, iyadoona ay talaabadaasi caqabad kusii aheyd Dowladihii KMG-ahaa ee jiray, balse hada waa laga gudbay KMG, marka la eego Dastuurka Xilligaan iyo kii 1960-kii waa mid isku muuqda oo dhigaya in Guddiyada Isboortiga ay yihiin Hey'addaha Qaranka, isla Markaana ay hoos tagayaan Wasaarada" Ayuu yiri Cabdi-dheeg.
Waxaa uu Bahda Isboortiga dibada iyo gudaha ugu baaqay in xilligaan ay ka qeyb qaataan isbadalka Dowlad-nimo ee dalka Soomaaliya, asigoona sheegay in isboortiga aan loogu maarmin wacyi gelinta shacabka, isla markaana uu yahay meel ay shacabka darsi kasoo qaataan, laguna wacyi gelin karo, asigona ku celiyay in ay bahda isboortiga hormuud u noqdaan ka shaqeynta isdhaxgalka, wacyi gelinta shacabka iyo u hogaansamida Dowladnimada dalka Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee Wasaarada Isboortiga ayaa Hambalyo u diray Kooxda Kubada Cagta U17 oo dhawaanahaan guulo kasoo hoyay Ciyaartii ka dhacday dalka suudaan, Asigoona sidoo kale ku baaqay in Xiriirka Kubada Cagta iyo Xiriirada kale ee isboortiga soomaaliya la yimaadaan isbadal muuqata, si guulo wax ku ool ah loogu keeno Ciyaaraha Soomaaliya ay ugu qeyb galaan dalka dibadiisa.
Cabdi-dheeg ayaa tan iyo intii ka danbeesay Markii lagu kala tagay Dowladii C/qaasim waxaa uu horumar dhinaca isboortiga ka waday dalka dibadiisa, asigoona hogaanka usoo qabtay Ururo Isboorti oo ka dhisan Qaarada Yurub iyo Waqooyi Ameerica, waxa uuna xilligaan hormuud ka yahay bahda Isboortiga UK, inkastoo Muddooyinkii ugu danbeeyay uusoo caga dhigtay gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Salah Hassan Omer
s.dheere@hotmail.com
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|