Somali News
    Hees  

Madaxweynaha Soomaaliya : "Ajaanibta Al-Shabab wax wadahadal ah oo naga dhaxeeya ma jiraan oo aan ahayn inay dalka isaga baxaan.."

Mogadishu Talaado 2 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Madaxweynaha Soomaaliya : "Ajaanibta Al-Shabab wax wadahadal ah oo naga dhaxeeya ma jiraan oo aan ahayn inay dalka isaga baxaan.."

Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad fariin adag u diray kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacidada shisheeye ee ka dagaalamaya gudaha wadanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in isagu laba arrimood uu ku sababeynayo, wuxuuna caddeeyay in siyaabo kala duwan ay ku galeen dhallinyarada ururka AL-Shabaab ka tirsan, wuxuuna tilmaamay in dowladiisu ku howlan tahay sidii dhallinyaradaasi ay uga haqab tiri lahayd baahiyaha ku kalifay inay Shabaab la shaqeeyaan.

"Dhallinyarada ay dantu ku kaliftay inay Shabaab la shaqeeyaan waxaan u sameyneynaa barnaamijyo aqoontooda lagu horumarinayo" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhinaca kale sheegay in dhallinyaradaani loo adeegsado inay dilaan amaba dhibaateeyaan dadka indhaha u ah bulshada sida Culumaa'udiinka, waxgaradka, qoonyahanka, saraakiisha iwm.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in kooxaha Shabaab ay yihiin kuwo u abuuran dhibaateynta shacabka, wuxuuna caddeeyay in dhallinyarada dantu ku khasabtay sameynta falalka argagixisanimo uu ugu baaqayo inay isaga soo baxaan, wuxuuna u ballanqaaday Madaxweynaha in dowladiisu u sameyneyso mashruucyo lagu horumarinayo garaadkooda.

"Al-Shabaabka Soomaaliya ee dalka keenay ajaanibta shisheeye amaba ku haya dalka waxaan ugu baaqayaa inay dalka ka saaraan kooxahaas" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in dowladdu ay barnaamijyo gaar ah u sameyneyso dhallinyarada la khalday ee ay ku adeegtaan ajaanibta ururka Al-Qaacida.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalyahanada ururka Al-Qaacida aanay marnaba ka dhaxeynin wax wadahadallo iyo waanwaan ah, isagoo tilmaamay inay ka dhaxeyso oo kaliya inay dalka isaga baxaan, haddii kale waxa uu sheegay inay ku khasbi doonaan dalka inay isaga cararaan.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

 
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)