|
C/qaadir Muumin: "Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay Al-Shabaab ku garab siiyaan dagaalka ay kula jiraan AMISOM iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.."
Mogadishu Talaado 2 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

C/qaadir Muumin: "Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay Al-Shabaab ku garab siiyaan dagaalka ay kula jiraan AMISOM iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.."
Mid ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab oo lagu magacaabo C/Qaadir Cali Muumin ayaa ka hadlay dagaalada ay iskala soo horjeedaan Al-Shabaab, Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaaya kuwa AMISOM.
"Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay Al-Shabaab ku garab siiyaan dagaalka ay kula jiraan AMISOM iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya." ayuu yiri C/Qaadir Cali Muumin oo Shacabka ku dhaqan Gobolada dalka Cod dheer uga dalbaday in ay Garab istaagaan oo ay kala Qayb qaataan Dagaalada ay ku jiraan.
Cabdul Qaadir Cali Muumin waxa ayaa sheegay in Magaalada Kismaayo ay Duulaan balaaran ku soo qaadeen Ciidamo uu Cadaw ku sheegay oo uu ula jeeday Ciidamada wadan Kenya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo halkaa dhawaan kala wareegay Al-Shabaab isagoo Shaaciyay in Shacabka Kismaayo ay u xuub siibteen in ay taageeraan Cadawgaasi.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa cadeystay in markii laga qabsado deegaano ay horay u maamuli jireen inay shacabka ugun baaqaan inay gacan ku siiyaan dagaalada ay ku jiraan, hase yeeshee C/qaadir Cali Muumin taageerada uu u weydiiyay Al-Shabaab in la siiyo halkuu ka sugaayaa ma deegaanada uu ka soo jeedaa mise dadka isla Gobolada Koonfureed oo uu cadow ku tilmaamay.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|