Somali News
    Hees  

Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo madaxweyne Xasan Sheekh u soo jeediyay inuu dhiso dowlad tayo leh

Mogadishu Talaado 30 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!




Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo madaxweyne Xasan Sheekh u soo jeediyay inuu dhiso dowlad tayo leh
.

Aqoon yahanada Soomaaliyeed ayaa madax weynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud usoo jeediyay in uu dhiso dowlad tiro yar oo tayo sare leh si loogu guuleysto in shacabka laga saaro dhibaatadii uu ku dhex jiray 22-ka sano.

Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa odoyaasha dhaqanka u soo jeediyay in ay maraan wadada saxda ah farahana kala baxaan arimaha siyaasada kuna ekaadaan dhaqanka iskana habkii fowdada ee ay ku dhex jireen bur burkii dowlada dhexe kadib.

Waxaa la yaab leh in qof sheeganaya dhaqan in uu siyaasad ku dhex milmo isla markaana handadaad iyo caga jugleyn u soo jeediyo madaxda qaranka taas oo meel kadhac weyn ku ah xilka uu huwan yahay inkastoo 22-kii sano ay soo baxeen hogaamiyayaal dhaqameedyo gacan ku rimis ah oo aan heysan kalsoonada dadka ay sheeganayaan in ay matalaan.

Aqoon yahanada Soomaaliyeed ayaa usoo jeediyay hogaamiye dhaqameedyada in danta qaranka ay ka hormiriyaan wax walbo ayna meel iska dhigaan caadifada qabiil isla markaana ku qancaan in la helo dowlad dhameystiran oo shacabka bad baadintiisa ka shaqeysa.

Aqoon yahanada ayaa madax weynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Prof. Xasan sheekh Maxamuud Eebe uga baryay in uu la garab galo xilka culus ee loo doortay isla markaana aqoontiisa uga faa'iido shacabka Soomaaliyeed oo mudo dheer kusoo dhex jiray dhibaatooyin is biirsaday.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)