Somali News
    Hees  

Gen. Axmed Xasan Maalin : "Weligeen kama hari doono kuwii ka dambeeyay dilka Abwaan Warsane Shire Cawaale.."

Mogadishu Talaado 30 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Gen. Axmed Xasan Maalin : "Weligeen kama hari doono kuwii ka dambeeyay dilka Abwaan Warsane Shire Cawaale.."

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, saacadihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo qaarkood ay geysteen ilaalo uu wataya Xildhibaan ka tisan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dadaka la dilay saacadihii la soo dhaafay waxaa kamid ah Abwaan Warsane Shire Cawaale oo kooxo hubeysan xalay ay ku dileen degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Taliska Booliska maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay dilalkaasi ka dhacay Xamar saacadihii la soo dhaafay, waxaana uu sheegay Taliska in amaanka caasimada ay gacan bir ah ku qabandoonaan.

Gen. Axmed Xasan Maalin Taliyaha Booliska maamulka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku raadjoogaan kooxihii ka danbeeyay dilalkii shgalay iyo xlay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu hoosta ka xariqay taliyaha in arimahaasi ay ku howlanyihiin ciidamada Booliska ayna socdaan baaritaano.

"Kooxihii ka danbeeyay dilkii Abwaan Warsame iyo gabar Xamarjadiid lagu dilay waan ku raadjoognaa kuwii dilay, waxaana socda baaritaano"ayuu yiri Taliye Booliska gobolka Banaadir Gen. maalin.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliyaha in kiis kale ay haayaan kaasoo ay samyeeyeen ilaalo Xildhibaan shalay kadib markii ilaalada iyo nin gaari watay xili wadada ay isku xirneyd ay murmeen dabeetana ay dileen.

"Amar uma qabno inaan galno guri uu daganayhay Xildhibana laakin, waan la xiriirnay Xildhibaanka, waxaana uu balanqaaday inuu soo xirayo ninka geystay dilka" ayuu yiri Gen. Maalin.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa hada u muuqda mid sii xumaanaya, inkastioo baaritaano iyo howlgalo isdaba jooga ah ay maalmihii udanbeeyay ciidamada dowlada ay ka wadeen.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)