Somali News
    Hees  

Nabadoon Axmed Diiriye : "Waxaan ra'iisul wasaaraha kula talinayaa inuu soo dhiso xukumad taya leh oo ka kooban 18-wasaaradood .."

Mogadishu Talaado 30 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Nabadoon Axmed Diiriye : "Waxaan ra'iisul wasaaraha kula talinayaa inuu soo dhiso xukumad taya leh oo ka kooban 18-wasaaradood .."

Axmed Diiriye Cali oo ah Afhayeenka odhayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warar suuqa leysla dhaxmaray oo sheegayay in Wasiirada la soo dhisayo laga dhigi doono tiradooda 10-wasiir.

Nabadonka ayaa kula taliyay R/wasaaraha cusub inuu soo dhiso xukumad taya leh oo ka kooban 18-wasaaradood sidii horay u ahaanjreenba, waxaana uu ka codsaday R/wasaaraha in dhinavyo badan uu wax ka eego si looga gudbo dhibaatada mudad dheer ay ku soo jireen umada Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay Axmed Diriye in dalka uu u baahanyahay dowladnimo sidaa daraadeedna loo baahanyahay in la soo dadajiyo dhismaha dowlada cusub, laakiin waxaa uu ka digay in la yareeyo tirada wasiirada taasoo sababi karto buu yiri in dibudhac ku yimaado hanaanka siyaasadeed iyo isbadalka ka dhacay dalka.

Dhinaca kale R/wasaare saacid ayaa cadaadis xoogan kala kulaya beelaha Soomaaliyeed, waxaana la tilmaamayaa in 10-wasaaradood kaliya laga dhigi rabo xukumadan cusub beelahana min laba wasaaradood ay qaadan doonaan, taasoo jahwareer ku riday r/wasaaraha.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)