Somali News
    Hees  

Baarlamaanka Uganda oo dalbaday in Ciidamadooda ka tirsan AMISOM laga soo saaro Howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya

Mogadishu Talaado 30 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Baarlamaanka Uganda oo dalbaday in Ciidamadooda ka tirsan AMISOM laga soo saaro Howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Uganda ayaa Dowladooda ka dalbaday inay ciidamada Uganda ee ka midka ah Howlgalka AMISOM laga soo saaro gudaha Soomaaliya, waxayna Xildhibaanadu arrintaasi uga jawaabayaan eedeymo uga yimid Dowladda Uganda Qaramada Midoobay.

Maalin ka hor ayay Qaramada Midoobay u jeedisay dowladda Uganda eedeyn la xiriirta inay taageerto Jabhad ka dagaalanta bariga dalka DR Congo, waxayna Xildhibaanada Uganda wadaan qorshe ay uga dhaadhicinaayan dowladdooda inay Ciidamadooda dib u soo celiyaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Uganda ayaa iyadu horay u sheegtay inay tallaabo ka qaadan doonto haddii aysan Qaramada Midoobay ka laaban eedeymaha Uganda u soo jeedisay ee keenaya in sumcadda looga xumeynayo Wadankooda.

Dhanka kale ma jiro ilaa iyo iminka wax go'aan ah oo aty dowladda Uganda Uganda ka qaadatay codsiga xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka dalkeeda, iyadoo ciidamada Uganda ee ka howlgalaaya Soomaaliya tiradoda lagu sheegay ilaa shan kun oo askari.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)