|
Sheekh Shariif oo Kampala kaga dhawaaqi doona xisbi Siyaasadeed cusub
Mogadishu Talaado 30 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Sheekh Shariif oo Kampala kaga dhawaaqi doona xisbi Siyaasadeed cusub.
Madax weynihii hore Sheekh shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in uu maalinta arbacda oo taariikhdu 31-ka October in uu u soo guuro magaalo madaxda dalka Uganda ee Kampala , kadib markii halkaa looga diyaariyay guri uu dego.
Mid kamid ah ragii gacan yarayaasha u ahaa oo Kampala soo gaaray 10kii bishan ayaa ku howlanaa diyaarinta iyo qalabeynta gurigan uu madax weynaha dalka uganda Musoveni ugu deeqay Sheekh shariif , waxaana la sheegayaa in uu Shariifka gurigan cusub uu dajinayo xaaskiisa yar oo dhawaan maleeshiyooyinka AL SHABAAB ay aabaheed dileen.
Sheekh Shariif ayaa la filayaa in marka uu Kampala soo gaaro kadib uu ku dhawaaqo xisbi siyaasadeed cusub oo uu doonayo in uu kaga qeyb qaato loolanka siyaasadeed ee dalka ka jira inkastoo aan la ogeyn cida uu doonayo in uu isbaheysi la sameysto maadaama ay hore isu khilaafeen kooxdiisii AALA SHEEKH oo ay halgan dheer oo Eritrea kasoo bilowday soo wada galeen.
Tan iyo markii uu Sheekh Shariif sida xun ugu guul dareystay loolankii madax weynenimada soomaaliya 10-kii September 2012 ayaa la sheegayaa in uu lumiyay saaxiibo aad ugu dhawaa haatana uu doonayo in uu helo rag cusub oo uu kula bahoobo dhinaca siyaasada maadaama uu doonayo in uu galo halgan culus oo uu ku ku baadi goobayo sidii uu dib masraxa siyaasada uga soo muuqan lahaa.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|