|
AFRICA OO SOO SAARI KARTA CUNTO KU FILAN HADII MUSTAQBALKA AY DHACDO DHIBAATO CUNTO YARI.
Mogadishu Talaado 30 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
AFRICA OO SOO SAARI KARTA CUNTO KU FILAN HADII MUSTAQBALKA AY DHACDO DHIBAATO CUNTO YARI.
Africa waxey caawin kartaa quudinta dadkeeda dhul bacrin ah oo ku haboon beero qodoshada, biyo ku filan iyo cimilo ku haboon wax beerashada.
Magaalooyinka sida deg dega ah u fidiya ayaa keenaya in lasoo saaro cunto badan, dhinaca kale SUUQ XUMIDA iyo YARAANSHAHA MIRAHA ABUURKA iyo BACRINTA waxey sababaan in beeraleyda yar yar ee AFRICA ay beerahooda ka cararaan oo ay aadaan magaalooyinka waaweyn si ay u helaan shaqooyin.
Baahida weynaaneysa ee qaarada Africa waxaa lagu qiyaasay in sanad walbo ay kacdo 20 BILLION iyadoo sanadka 2020 -ka ay gaari doonto 40 BILLION sanadkiiba, dhinaca kale qiyaastu waxa ay na tuseysaa in 860 MILLION oo qof kuna nool dalalka saxaaraxa kahooseeya ay u baahdoonaan cunto maadaama ay dadku si aad ah u koroyaan taas oo keeneysa in Africa dalbato cunto dheeraad ah, iyadoo aysan beeraleyda Africa aaney awoodin in ay kordhiyaan wax soosaarkooda.
Beeraleyda yar yar waxey helayaan in ka yar 20% qiimaha suuq geynta wax soosaarkooda, gaba gabadii waxaa muuqaneysa in AFrica aaney u baahan doonin cunto dibada laga keeno waxeyna warbixintan ugu dambeysa ina tuseysaa in ay Africa dadkeeda quudin karto.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|