Somali News
    Hees  

Caruurta derbiyo jiifka ah oo Magaalada Muqdisho ku dhibateysan. (Dawo sawirada)

Mogadishu Arbaco 31 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Caruurta derbiyo jiifka ah oo Magaalada Muqdisho ku dhibateysan. (Dawo sawirada)

Caruurta Soomaaliyeed ee derbiyo jiifka ah ayaa haatan waxay si weyn ugu dhibateysan yihiin magaaladda Muqdisho, iyadoo ay caruurtaasi hoy iyo gabaadba ay u tahay goobaha Qashin qubka ah ee ku yalla magaaladda Muqdisho.

Caruurtaan oo iskugu jira kuwo waaweyn iyo kuwo yar yar ayaa waxay ay yihiin kuwo aanan haysan meel ay dhinaca dhigaan ama ay harsadaan, iyagoo xiligaan noloshoodu ay si toos ah ugu xiran tahay goobaha qashinka lagu qubbo oo ay dadku ku shubaan Cuntadda haraadiga ah oo ay ka soo nadiifiyaan guryahooda iyo wixii kale ah ee dhaqan gab ah ku soo daadiya halkaasi.

Boqolaalkaan Caruurta ah oo ay tiradooda badan tahay iskuguna jira wiilal iyo gabdho ayaa xiligaan aad ka dareemeysaa aragoodu in uu yhay mid aad u hooseeya, waxayna ku jiraan xaalad aad iyo aad u xun dhinaca nolosha, waxaana dhibaato ka haysataa xaaladooda ammaan iyo tan noloshoodda, iyadoo xiliga uu waagu baryo saf iyo dagaal u gala inay goobaha qashin qubka ah oo ay ka baartaan waxa ay nafta ku ceshadaan, tiiyoo ay u dheer tahay dhibaato ka haysata cabidda alkuladda iyo wax loo yaqaan calaqa oo ah waxyaabo kiimiko laga sameeyo oo weliba lagu sameeyo goob aanan sidaas uga fogeynin halka ay caruurtaasi ka dhigteen hoygga.

Caruuntaan gaareysa boqolaalka ma haystaan wax hoy ah, wax ay ku nooladaan, dhar, jiif,caafimaad, waxbarasho,tarbiyad wanaagsan iyo nolol intaba, waxayna xiliga uu waagu u baryo ku dagaalamaan baarashadda waxyabaha qashinka la soo raacsiiyo oo ah cuno haraadi ah , dhar iyo wixii la mid ah. Caruurtaan Soomaaliyeed ee loo yaqaan derbiyo jiifka ayaa haatan waxay ku jiraan marxalad aad iyo aad u adag, waxayna u baahan yihiin kaalmo bini-aadnimo oo deg deg ah , si wax loogaga qabto Noloshoodda iyo weliba caafimaadka jirkoodda iyo tarbiyeeyntoodda, islmarkaana laga saaro marxaladda xun oo ay ku jiraan si loo tarbiyeeyo looguna soo celiyo wadada xalaasha ah si ay u helaan waxyabaha lagama maar maanka u ah Nolosha qofka bini aadamka ah.

Dawladda Soomaaliyeed iyo bulshadda muslimka ah ee Soomaliyeed oo uu xilweyn ka saran yahay xanaaneynta caruurtaasi, midkoodna haatan ma muuqato in ay weli arkaan indhahoodda marka laga reebo inyar oo arka waxna aanan u qaban karin oo ka carara, waayo waxaa ka imaan karra dhibaato ama falal lidi ku ah nabadgalya xumida ay geysan karaan caruurtaasi derbiyo jiifka ah oo ay dilootay cabista Coladda iyo waxyabaha loo yaqaan calaqa oo ay sameeyaan kuwo damiirku kalumay.

Dhinaca dawladdu xiligaan wax xil ah iskama saarin ay ay u soo jeesato,wax ka qabashadda arintaan iyadoo haatan ku mashquulsan dhinaca sugidda ammaanka gudaha oo kaliya, ayna leedahay ciidamo boolis ah oo u tababaran arimahaasi.

Bulshadda Soomaliyeed gaar ahaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibaddaha ku nool, ganacsatadda Soomaliyeed iyo cidkasta oo ka damqaneysa caruurtaasi waxaa laga codsanayaa inay u sara kacaan wax u qabashadda caruurtaasi derboyo jiifka ah ee haatan noloshoodda tahay mid aad u xanuun badan, qofkasta oo muwaadin ahana uu ka damqan karro Caruurtaan ayaa waxay da'doodu iskugu jirtaa kuwo qaan gaar ah iyo kuwo aanan weli qaangaarin oo waalidkood aanan meel ku ogeyn una muuqdda kuwo ay kala geysay dhibaatadda 22- jirsatay ee uu weli ku jiro shacbiga Soomaaliyeed oo ay dilootay gaajadda,macluusha iyo barakaca baahay ee saameeyay guud ahaan goboladda dalka gaar ahaana kuunfurta dalka Soomaliyeed.












Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)