Somali News
    Hees  

Taliyahii ciidamda dowlada Soomaaliya ee Gobalka Hiiraan oo saake Askari Ciidanka ka tirsan uu ku dilay Baladweyne

Mogadishu Arbaco 31 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Taliyahii ciidamda dowlada Soomaaliya ee Gobalka Hiiraan oo saake Askari Ciidanka ka tirsan uu ku dilay Baladweyne

Iska hor imaad socday mudo kooban oo u dhaxeeyay Askar ka wada tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya ee Ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa saake lagu dilay Alle ha unaxariistee taliyahii guud ee Ciidamada Dowlada ee Gobalka Hiiraan Muumin Maxamed Maxamuud Cali (Muumin Ildhigte) kaa oo ku dhintay howlgal burcad sifeyn ah oo uu ka waday inta u dhaxeysa Magaalada Baladweyne iyo Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Hiiraan Maxamed Nuur Caga-joof oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan gacan ku dhiiglaha marka ay soo qabtaana ay cadaalada horkeeni doonaan.

Taliyaha maanta la dilay ayaa mudooyinkii ugu dambeyay wuxuu ku howlanaa sugida amaanka magaalada Baladweyne iyo degaanada ku xeeray lamana oga ujeedada dhabta ay ee ka dambeysa dilkiisa marka laga reebo howlgalkii uu waday.

Ciidamada Dowlada ee Gobalka Hiiraan ayaa wada Qorsho amaanka wax loga qabanaa taas oo ay taageero kaga helayaan Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalina midowga afrika ee Amisom.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)