|
Beesha Karinle oo madaxda dowladda ugu baaqday in ay tixgaliyaan rabitaanka Shacabka
Mogadishu Arbaco 31 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Beesha Karinle oo madaxda dowladda ugu baaqday in ay tixgaliyaan rabitaanka Shacabka.
Oday dhaqameedka waxagaradkani iyo haweenkani kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay madaxada sare ee dowlada Soomaaliya ay ka codsadeen in si deganaan leh looga fiirsdo tirad laga dhigayo xubnaha xukuumada cusub ee la filayo in uu dalka yeesho iyagoona talo ahaan ugu soo jeediyay dowlada in ay soo dhisto xukuumad umada soomaaliyeed u horseeda nabad cadaalad iyo horumar.
Ugu horeyn warsaxafdeed u badanaa talooyin ku wajahan madaxada Dowlada Soomaaliya oo goobta la aqriyay ayaa kadib odayaashii kulanka ka hadalay waxa ay iyana faah faahiyeen ujeedooyinka ay u soo sareen warsaxafdeedkooda.
Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen siyaasiyiinta aqoonyahanada culumaa,u diinka iyo haweenka kasoo jeeda beesha karanle oo kamid ah beelaha soomaaliyeed ayaa waxa uu ahaa mid talooyin loogu jedinayey dowlada cusub ee soomaaliya, gaar ahaan ra,iisul wasaare saacid oo dhawaan looga fadhiyo soo dhisida xukuumadiisa cusub ee Soomaaliya.
Ugu horeyn kulanaka ayaa laga soo sooray war saxaafadeed dhinacyo badan taabanyey kaasi oo baaqloogu jeediyey ra,iisul waraasaha, waxaana halkaasi ka, aqriyey abuukaate c/laahi siyaad oo sheegay in lagama maar maan ay tahay in golaha wasiirada aan laga yareynin 18-wasiid.
Suldaan xasan madoobe oo isna madasha kajeediyey qudbad dheer ayaa sheegay in hadii wasiirada cusub ay kayaradaan 18-xubnood dalku uu galayo marxalad adag madaxda owladana looga baahanyahay in ay kafiirsadaan arintaasi.
Sidoo kale sahro cabdi mahad alle oo kamid aheyd haweenkii kasoo qeyb galay kulanka ayaa sheegtay in beesha karanle ay diyaar u tahay in dowlada ay garab kasiiso dhinac waliba sidaasi daraadeedna dowlada looga fadhiyo in ay ilaaliso xaqa ay leeyihiin si kastaba ra,iisul wasaaraha cusub ee soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in uu soo dhiso xukuumad tayo leh, iyadoo ay soo baxayaan warar hoose oo sheegaya in wasiirada cusub ee lasoo dhisi doono ay gaarayaan 10-xubnood iyo in kayar.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|