Somali News
    Hees  

Midawga Afrika oo ka dalbaday Golaha ammanka QM inay dib u eegid ku sameeyeaan xayiraada dhanka hubka ee saaran Somalia

Mogadishu Arbaco 31 October 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Midawga Afrika oo ka dalbaday Golaha ammanka QM inay dib u eegid ku sameeyeaan xayiraada dhanka hubka ee saaran Somalia.

Gudoomiyaha ururka midnimada afrika ayaa ugu baaqday golaha amanka qm in ay qataan qaraar lagu mel marinaayo taagero caalami ah oo la siiyo ciidamada nabad ilalinta midawga afrika ee amisom iyo sidoo kale in dib u eegid lagu sameeyo xayiraada dhanka hubka ee saaran somalia.

Gudoomiyaha midawga afrika ayaa war saxafaded ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in golaha amanka qm looga bahan yahay in si awood leh uu ku tagero ciidamada amisom ee ka hawgalaya somalia si loo gaaro nabad lagu soo dabaalo somalia.

Sidoo kale warsaxafadedkasi ayaa lagu sheegay in ciidamada amisom ay gacan weyn ay ka geesten sidii al-shabab loga saari lahaa degaano badan oo ay gacanta ku hayeen waxana gudoomiyaha ururka midawga afrika ay muujisay in amisom haatan ay u bahan yihiin ciidamo ka taaga dhanka bada.

Waxana ay ugu baaqday golaha amanka qm in ay dib u egaan xayiraada hubka ee lagu soo rogay somalia si loo balaariyo awooda ciidamada amisom ee dhanka loojistikada.

Waxa xusid mudan in golaha amanka qm ay xayirad kusoo rogeen hubka la keno somalia sanadii 1991-kii.

Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com  
www.somaliweyn.com 

   
 
 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)