|
Ururka Midawga Africa oo Saraakiil Soomaali ah tababar uga furmay dalka Jabuuti
Mogadishu Arbaco 31 October 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ururka Midawga Africa oo Saraakiil Soomaali ah tababar uga furmay dalka Jabuuti
Sida lagu qoray wargeyska La Nation oo ka soo baxa wadanka Jabuuti illaa iyo 40 sarkaal oo ka tirsan ciidamada militryga Soomaaliya ayaa tababaro ku saabsan dhawrista xaquuqda aadanaha waxay kju qaateen dalkaasi Jabuuti.
Tababarkan oo uu bixinayay ururka Midawga Africa ayaa waxaa si gaar ah saraakiishaan Soomaalida ah lagu barayay ka hor tagista tacadiyada bini’aadamada ka baxsan iyo u kaalmeynta bulshada tagta daran ee Soomaaliyeed sida wargeysku ku waramayo.
Danjire Abuu Bakar Diyaara oo ka tirsan xafiiska Midawga Africa ee arrimaha Soomaaliya ayaa ka sheegay magaalada Jabuuti in ujeedka tababarkaan uu yahay in ciidamada Soomaaliya ay noqdaan kuwo ku sifooba dhawrista xaquuqda aadanaha isla markanaa casharada lagu saleeyay xeerka dhawrista xaquuqda aadanaha ee caalamka.
Danjire Diyara waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in loo baahan yahay inay ku rajo weyn yihiin inay yaraato walaaca iyo cabashada bulshadu ka sheegato ciidamada Soomaaliya ee la xariira ku xad gudbida bini’aadanimada.
Taliyaha ciidamada Jabuuti Jeneral Xasan Cali Kaamil ayaa asna ka sheegay goobta uu tababarku ka dhacay in ciidamada Soomaalida ay u baahan yihiin tababaro noocaan oo kale ah waxaana uu ugu baaqay saraakiisha ciidamada Soomaaliya inay qaadaan tilaabooyin ay uga hor tagayaan in ciidamadu geystaan falal xad gudub ku ah bini’aadanimada.
Ciidamada dawlada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa inay geystaan xad gudubyo bini’aadanimada ka baxsan oo ay ka mid yihiin kufsi, dilal iyo dhac inkastoo haddana saraakiisha ciidamadu ku andacoodaan in falalkaasi ay geystaan kooxo aan ciidamada ka tirsaneyn oo dharkooda ku labista.
Tan iyo markii ay meesha ka baxday dawladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991,kii waxaa meesha ka baxay nimaadkii ciidamada.
Web Updating, Somaliweyn Website
contact@somaliweyn.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|